Oslo: Orodyahan soomaali ah oo kaalinta 3-aad ka galay orodka ciyaaraha xagaaga ee garoonka Bislet

0
145
Abdirahim Daahir Sawirka: Tartan hore oo uu Abdirahim kaalinta koowaad ka galay

Abdirahim Dahir oo ah orodyahan dhalinyaro soomaali ah, ayaa kaalinta 3-aad ka galay tartanka orodka 800 M ee tartamada orodada fudud ee xagaaga ka dhaca garoonka Bislet Stadion ee magaalada Oslo. Abdirahim ayaa ilbiriqsi(second) iyo bar ka danbeeyay orodyahanka galay kaalinta labaad, halka uu dhowr ilbiriqsi(second) oo qura ah uu ka danbeeyay ciyaaryahanka galay kaalinta koowaad(Dhawaan fili muuqaalka tartanka orodka).

Abdirahim Dahir ayaa sidoo kale dhawaan ka qeybgali doono tartan orodka ah oo ka dhici doono dalka Sweden, isaga oo sheegay in orodkii Bislet ee shaleyto uu qeyb ka ahaa isku diyaarinta tartankaas ka dhici doono dalka Sweden.

Foto: Said Ali, NorSom News

Abdirahim ayaa kamid ah dhalinyarada soomaaliyeed ee hamiga weyn ka leh inay mustaqbalka dhow horumar ka gaaraan tartamada orodada dalkan Norway iyo guud ahaan Yurub. Waxaana ka muuqato niyad, dheerinaan iyo dadaal dheeri ah. Wuxuuna NorSom News u sheegay inuu tababaro kusoo qaatay dalka Ethopia, halkaas oo uu ku maqnaa dhowrkii bilood ee ugu danbeeyay.

Dhawaan filo muuqaalka orodka Abdirahim ee tartankii shaley ka dhacay Bislet Oslo.

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments