Norway: Ka digtoonow lacagta faalisada ah ee maalmahan suuqa kujirto

0
204

Tan iyo markii ay suuqa soo gashay waraaqaha lacagta cusub ee 200 iyo 500, ayaa waxaa iyagana garab socday lacago kale oo faaliso ah, kuwaas oo loo ekeysiiyay lacagaha cusub. Kooxda burcada ah ee suuqa soo galiyay lacagahan faalisada ah ayaa u eg kuwa ka faa´iideysanaya inta aysan dadku si dhab ah ula qabsan muuqaalka waraaqaha cusub ee lacagta.

Magaalooyinka Oslo iyo Kongsberg ayaa ah meelaha ugu badan ee lagu arkay lacagtan faalisada cusub ah, taas oo keentay in dadku ay baraha bulshada isugu gudbiyaan fariimo digniin ah oo ku aadan in laga feejignaado lacagahaas faalisada ah.

Lacagta faalisada ah ayaa si walba ugu eg lacagta kale marka aad meel kore ka fiiriso, laakiin waxaa jiro waxyaabo ay kaga duwantahay oo aad ku garan karto. Waxaana kamid ah in waraaqda lacagtu faalisada ah ay ka yara weyntahay(buurantahay) tan kale ee caadiga ah, iyo in hadii waraaqda lagu ifiyo nal aysan muuqananeyn xariiqda dhexda ka marsan waraaqda lacagta. Sidoo kale waxaad ku ogaan kartaa in midabka lacagta faalisada ah uu yahay mid qafiif ah.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no, Nettavisen.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments