(Maqaal): Soomaalida faraha looga qaado talyaaniga iyo dhibaatooyinka badan oo ay la kulma.

0
162
Maqaalkan W.Q: Ismail Moallim
Maqaalkan W.Q: Ismail Moallim

Tan iyo waxii ka danbeeyay markii ay Dowladaha Yurub ku gaareen xarunta Airland ee Dublan Heshiis ah, in ay Dowladaha ku bahoobay Golaha Midowga Yurub wadaagaan Datada(xogta) Faraha looga Qaado dadka Qaxootiga ah ee Dalalkooda Sida Sharci darada Ah usoo galo, Heshiiskaas oo luugu magac daray Dublin ayaa waxaa dhibaatooyin Fara Badan uu ka soo gaaray Qaxootiga Soomaaliyeed ee sida dhibka badan kusoo gala galalka Yurub.

Dalalka Talyaaniga, Giriiga iyo Jaziirada Malta oo Ah dalalka Ugu Horeeyo ee Qaxootiga Soomaaliyeed soo caga dhigtaan ayigoo tahriib dhulka Ah ama Dooman kusoo galo ayna iska dhiibaan, ayaa waxaa looga Qaadaa Faro, Taas Macnaheedo wuxuu yahay in aysan Dowlad Kale oo Yurub ah aysan u Gudbi Karin, Hadii ay Gudbaanna ay Dowladaas Kusoo celin doonan Goobahaan Maadama Faro looga Qaaday.

Hadaba Soomaalida Soo Galo dalalkan ayaa waxey  la kulmaan dhibaatooyin faro dadan ayagoo dalalkaan Hadii laga reebo in ay u Aqoonsadaan Qaxaatinimo aysan ku heysan waxii Xaquuq Ahaa ee sharciyada Dunida ay Siiyeen Qaxootiga. Waxeyna taas ku kaliftaa qoxootigan soomaaliyeed in ay usoo gudbaan dalalka Ka nolol roon kuwaan Sida Norwey,Holand,Swedan iyo finland. Waxaana inta Badan dhacda in dalalkaan ay ku Celiyaan Kuwii ay hore isago Soo dhiibeen, taas oo Qaxootiga soomaaliyeed dadaab Aduunyo ku Noqotay.

Gabar Magaceeda Kusoo Koobtay Faadumo, Kana Mid ah gabdhaha soomaaliyeed ee safarka Dheer usoo maray sidii ay Yurub kusoo geli lahaayeen, farana looga soo Qaaday Dalka Talyaaniga oo aan Kula Kulmay Goob ka Mid ah Goobaha Ay Dowlada Norwey ugu Tala Gashay Qaxaatiga, ayaa waxey ii sheegtay in ay dhibaato Badan usoo martay sidii ay kusoo gaari laheyd dalkan Norwey.

Waxaan safar dhulka ah kasoo bilaabay Magaalada Muqdisho, waxaana Soo maray Saxaraha dheer ee Sudan iyo Liibiya u dhaxeeyo, waxaana doon kasoo raacay Liibiya, waxeyna i keentay Talyaaniga. Waxaana isla Markii aan doonta ka Deganay la iga Qaaday Faro mana ogeyn markaas wax macnaa oo ay leedahay in faro lagaa qaado sida aan hada u ogahay” ayey Tiri faadumo ayidoo wejigaada ay ka muuqatay murug aan Lasoo koobin Karin.

Faadumo oo Hadalkeedii sii wadatay ayaa waxey mar kale Tiri ‘Markii aan talyaaniga imaaday waxaan islahaa Hada ayey nolol kuu bilaabaneysaa, ma aan guursan intaan Soomaaliya joogay, waxaan islahaa yurub aad ku guursaneysaa, waxaa noola soo dhaweeyey si wanaagsan, waxaana nala geeyay Kaamam waxaana ku jirnay Dhowr Bilood, Mudo kadib waxaa noola sheegay in uu dhamaaday waqtigii Kaamka aan ku jirnay, Aniga waxaan u heystay in Guri la dejin Doono sida Yurub dadka ka imaado ii sheegi jireen, Lakiin waxaa la igu dejiyay Busteejada Milaano, waxaa la igu Yiri Talyaani waa dhulkaada ee Ku noolow Magaalkana Iska celi” ayey Tiri

Dhibaatada Faadumo intaa kuma ekeyn waxey sheegtay in ay la yaab ku noqotay in la dhaho ku noolow meel aysan cidna ka garaneyn oo aysan wiligeed imaan, ciduna uga soo horeyn, ayidoo xitaa gaari raac heysan

‘Waxaan Ka helay Bosteejada Milaano Wiilal Soomaali ah waxaana ka baryay in ay i geeyaan meel aan ku hoydo hal cawo, laakiin waxey ii sheegeen in ay Habeenkii Kaniisad jiiftaan, maalintiina meelaha iska soc socdaan waxey igu noqtay la yaab Kaniisad Somali jiifto, maadama soomalida yahiin dad Muslimiin ah kaniisadana wax xun laga aaminsayahay, Laakiin ugu danbeyntii meel kale ma helin oo aan jiifto” ayay ku calaacashay.

[adsenseyu2]

Faadumo ayaa waxey ka mid tahay Boqolaal Soomaali ah oo dhibaato Noocaan ah heysato waxeyna hada sugeysaa in dib loogu celiyo ,eeshii ay dhibaatadaas kala soo kulantay, Maadama ay Dowlada Norwey u sheegtay in ay Talyaaniga u celin doonto Ayada oo sabab uga dhigtay in halkaasi faro looga soo qaaday.

‘Yurub waxaan u heestay Janada Aduunyada, laakiin waxaan ogaaday in ay tahay Naarta Aduunyada, Walaahi waxaa naga sharaf nadan Qaxootiga Ceelasha Biyaha joogo ee Dalkooda aan kasoo tegin, Walaalow meeshii intaas oo dhibaato ah aan kusoo maray ayey rabtaa Norwey in ay igu celiso, waxeyna ku leedahay qaxootiga waan daryeelnaa, makula tahay meel lugu Laaban Karo ? Ilaahey waa u jeedaa xaaladeyda Ayey Hadalkeeda kusoo Koobtay faadumo

Maahan Faadumo kaliya waxa dhibaata Nuucan ah heysato, Waxaan sidoo kale kula kulmay xeradan gabar magaceeda iigu soo Koobtay Sahro waxeyna ii sheegtay in ay Sanadkii 2008 Doon ku Gashay Jaziirada Malta, Laakiin waxey sheegtay in ay ku Noolaon weysay maadaama aysan jirin wax caawinaad ah oo ay Jaziirada Malta siiso qaxootiga dalkeeda soo galo, waxeyna sheegtay in ay go’aansatay in ay Norwey iska soo dhiibto, Laakiin Nasiib Daro waxey ii sheegtay in Norwey u sheegtay in ay dib u celineyso maadama faro ay ku leedahay Jaziirada malta.

‘Xageen geynaa Farahan waana dhibeen meel walba oon tago waxaa ley leeyahay faro aa leedahay, waxaan maqli jiray Aakhiro ayey farahu Hadlayaan Laakiin Kuwaan aduunyada ayey ugu Hadalsiiyeen Faraheen, waxaan is dhahaa mararkaqQaar Hooyadaa Maxey Gacmo la aan kuu dhali weysay. Iyada oo Sahro Hadalkeeda wadato ayaa waxaa soo dhex gashay Gabar kale oo ku tiri Hadii xitaa Gacmo la aan ku dhali laheed kuwa lagaha ayey kaa Qaadi lahaayeen kuwaan miyaa wax dhaafaayo.

Ayada oo Sahro ayaa sii wadato hadalka waxeyna Tiri ‘Soomaalida ayaga daraadood ayaa loo keenay sharcigan maadama la arkay soomaali heysato shan Baasaboor oo kala hh shan dal oo yurub ah sidey dal walba ugu qaadayeen baasaboor waxaa u maleysaa in la dhahay u tartama Baasaboorada Sidii Cibaadada oo kale lakiin anaga waxaan iska nahay Maskiin ilaahey aasa noo Maqan” ayey Hadalkeea kusoo Koobtay

Guud ahaan Qaxootigan Soomaaliyeed ee faraha Ku leh Dalalka Kale ee aan kula kulmay Xerooyinka Qaxootiga ee Norwey ayaa waxey ka Codsadeen Dowlada Norwey in aysan Dib uga Celin Goobihii ay Markii Hore iska soo dhiibeen waxeyna sheegaan Hadii ay Nolol ku heystaan Goobahaas in aysan Markii Horeaba Halkaan usoo Gudbeen.

W.Q: Ismail Moallim Saxafi madax banaan Bergen, Norway 


Hadii aad rabto inaad aqoontaada, khibradaada, fikirkaaga ama hamigaaga la qeybsato jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaada noogu soo gudbin kartaa NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments