(Maqaal): Samafalka iyo raadka uu ku leeyahay horumarka bulshada

0
467
Mohamed Bashiir Hønefoss.
Mohamed Bashiir Hønefoss.

Waxaan rabaa inaan maanta diiradda saaro arrin aad muhiim ugu ah horumarka bulshooyinka, waana samafalka. Samfalku waa sifo insaaniyadeed oo ku beeran ama ka soo dhex baxda mujtamaca ay dadkiisu leeyihiin, aqoon,garasho iyo dareen masuuliyadeed oo sare. Sama falku waa noocya badan yahay waxaana lagu sheegi karaa samafal, howl kasta oo uu qofku qabto isaga oo aan wax loogu bedelo sugayn, isla markaana uu ku qanacsanyahay in howshan uu samaynayaa ay tahay mid uu aaminsanyahay in uu ku dareemaayo raaxo iyo nefis nafsadeed. Samafalka waxaa ka mid ah in waqti ama xoolo lagu bixiyo daryeel ama adeeg loo samaynaayo bulshada inteeda kale ama qof markaas baahan.

Samafalku waxa uu kor u qaadaa heer nololeedka bulshada waxaana uu gacan weyn ka geeystaa horumarka bulshada iyo dhismaheeda waxuuna yareeyaa faqriga iyo jariimada,waayo waxuu kabaa amaanka bulsho iyo kan dhaqaaleba.
Samafalku waxuu dhisaa xiriir wanaagsan oo bulshada dhex mara waxa uuna keenaa isjacayl is qadarin iyo wada noolaansho aan lahayn is nacayb iyo kala fogaan. Samafalku waxuu yareeyaa in ay muuqato kala sarrayn dhaqaale ama bulsheed oo bulshada ka dhex muuqda,waayo mar walba oo kuwa baahan la daboolo baahidooda waxaa sii yaraanaya in la arko in mujtamaco yahay dabaqado.Samafalku waxuu sahlaa is dhexgalka bulshda waxuuna yareeyaa caqabadaha kala qoqoba bulshada.

Waxaa sahlanaada in samafalka dartiis ay caruura badan helaan wax barasho, agoontu helaan daryeel, dadka jiran ee danyarta ahi helaan daawooyin. Samafalku kuma koobna meel go,an, balse waxa uu wax ka qabtaa dhammaan nolosha bulshada waxaana sama falka laga qayb qaataa: Dhisida wadooyinka,iskoolda ,isbitaalada iyo qodista ceelasha. Waxaa kaloo samfalka lagaga shaqeeyaa in lagu daryeelo danyarta looguna sameeyo barnaamijyo noloshooda wax ka bedela,sida iyagoo la baro farsamooyin ama loo abuuro shaqooyin.

[adsenseyu2]

Samafalka waxaa wax lagu baraa dadka aan fursad u helin inay wax bartaan,waxaana loogu adeegaa waayeelka oo loo sameeyo meelo lagu daryeelo,waxaa kaloo lagu sameeyaa ama yagleelaa goobo ay bulshadu isugu timaado,waxaa kaloo safmafal ahaan bulshada lagu gaarsiiyaa nooc kasta oo wacyi gelin ah,gaar ahaan xagga caafimaadka,nadaafadda iwm
Samafalka waxaa wax lagag qabtaa hagaajinta bilicda magaalooyinka iyadoo la qaado olole nadaafadeed.

Samafalka waxaa hir geliya laba arrimood ama laba kooxoodba:
1. In la helo dad ku tabruca hantidooda si loogu fuliyo adeegyada ka dhiman bulshada
2. In la helo dad ku shaqeeya iskaa wax u qabso oo waqtigooda u hura inay bulshada u adeegaan.
Kuwan dambe waa muhiim marka samfalka la qiimaynaayo waayo waxay sahlaan inay hantida ururiyaan,gaaraan dadkoo dhan,farriintana gaarsiiyaan goob kastana ay ka sooq aadaan waxii laga baxinaayo,waxay kaloo ay yihiin lafdhabarta sama falka oo waa ciidan diyaar ah oo mar walba oo loo baahdo xoog waa kuwo diyaar ah.

Samafalka qofka ka shaqeeya waxaa lagu magcaabaa samafale waxaana sabab in qof doorto inuu samafale noqdo arrimo dhowr ah:
1. Sabab diimeed oo diinta ayaa amarta in qofku dadka caawimo iskaa wax u qabsona ku shaqeeyo
2.Jeclaysi qofku jecalaysto inuu dadka gacan qabto
3. Qof jecel inuu wax ka bedelo nolosha bulshada
4. in laga helo khibrad shaqo iyo aqoon korosi
5. In la helo asxaab iyo macaariif hor leh

Islaamka ama muslimiinta samafalku waxuu ku sii leeyahay raad intaas ka weyn oo waa qayb ka mid ah cibaadooyinka waana mid ka mid ah waxyaalaha ilaahay uu usoo bandhigay muslimiinta inay sameeyaan,uuna ku baal mariyo heerarka abaal marinta ee ugu sarreeya.Ilaahay meelo badan ayuu quraanka ku soo qaatay samfalka,waxtarkiisa iyo sida ducada looga aqbalo kuwa samaha fala,waxaana tusaale noogu filan Nebi Zakariye iyo Xaaskiisii iyadoo ducadiisii alle u aqbalay siiyeyna Yaxye,waxaana ilaahay sabab uga dhigay aqbaliddaas inay ahaayeen kuwo Khayrka u orda allena barya iyagoo rajo iyo cabsiba ka qaba.

Soomaalida,samafalka iyo iskaa wax uqabsada: 
Samafalku Soomaalida aad ayuu uga caan yahay dhexdeeda walow uu yaryan ka nidaamsan ee ay hayado iyo ururo fuliyaan inkastoo ay sanadahii dambe soo bateen ayna jiraan ururo samafal.

Samafalka Soomaalida dhexdeeda ah iyo dadka ka shaqeeyaa ma helaan dhiiri gelinta dhabta ah ee loo baahanyahay waxayna la kulmaan caqabado badan, gaar ahaan kolka ay yihiin kuwa adeegoodu yahay mid loo simanyahay oo aan deegaan iyo beel gaari lahayn.

Smafalaha Soomaaliyeed iyo hay,adahooda samfalkuba waxay la kulmaan hadallo aad u adadag iyo suaalo ay ka mid yihiin yaa idin wata xagee ka socotaan? iyo isweydiimo kale oo badan oo qaarna loola bareero qaarna laga daba tuuro. Waxaa iyana jira hadallo si naxariis darro ah loo maqashiiyo sida lacag ayeey nagu qaateen,waxbay nagu cunayaan iyo waa mashruuc.
Waxaa dhacda in qof samafale ah la yiraahdo isaga iyo hay,adiisa ama ururkiisa yaan loo tegin yeey noo iman adeegooda ha la daayo iyo hadallo kale oo naxariis darro ah oo ka soo baxa shaqsiyaad aan dan ka lahayn horumarka bulshada balse ka eega nolosha aragtidooda,mowqifkooda iyo cilaaqoodkooda gaarka ah,waxayna kuwaasi badi afuufaan ama huriyaan fidno iyo wax inay wax kala daadiyaan maahee aan khayr keenin.

Samafalka iyo Soomaalida Norway:
Soomaalida Norway waxaa jira Soomaali badan oo shaqsiyaad ,shirkadoiyo ururoba ah oo u adeega bulshada waxayna ku leeyihiin door weyn arrimaha bulshada iyo horumarinta,waxaana aan ka magcaabayaa 2 kooxood oo aan si fiican u aqaan waxtarkooda waa dhanka ururada
waxaana ka mid ah :
Hay´adda Xanaano oo gurmadkii abaaraha aad uga qayb qaadatay oo dhaqaalahii soomaaliya loo ururinaayey masuuliyadiisa iyo ansaxintiiba qaaday,waana ku amaananyihiin maamulka hay,addasi shaqadaa wanaagsan ee ay qabteen welina hayaan

Masaajidada ayaa iyaguna ka mid ah hay,adaha ama ururada samafalka ee u adeega bulshada Soomaaliyeed ee Norway deggan ha ugu dhaqdhaqaaq badnaado masaajidka Towfiiq oo leh adeeg ballaaran oo dhanka dacwada iyo barashada diinta ah iyo weliba shaqoyin kale oo arrimaha qoyska u badan,waloow la dhaliilo in wax qabadkiisu aanu gaarsiisnayn halkii la rabay dhanka arrimaha bulshada laakiin aragtidayda wax weyn ayeey qabteen kuna talo jiraan.

Gunaanadka waxaan Soomaalida gaar ahaan reer Norway u sheegayaa in samafalku uu yahay howl aadaninimo , diini ah, ilaahna na faray rasuulkuna axaadiis badan noogu cadeeyey,waana in aan is barno baranona ,kuwa ka shaqeeyana siinno dhiiri gelin iyo garab istaag. Waa in aan iska dhaafno waxii dhaliil ah oo aan sal lahayn lana joojiyo hadalada raqiiska ah oo lagula kaco dadka ka shaqeeya samafalka.

In laga qayb qaato barnaamijyada smafalka iyo iskaa wax u qabsada gaar ahaan arrimaha qoyska dhallinyarada,carruurta iyo waayeelkaba.
Guud ahaanna waa in aan ka qayb daanno barnaamijyada samafalka ee Norway waana in la tago lana booqdo ururada samaflak ku shaqeeya lagana faaidaysto khibradooda waxaana ka mid ah Red crosska,Norsk folkehjelp iyo Frivillig senteralka.


W.Q: Mohamed Bashiir Hønnefos. 

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments