London: Wiil 18 jir soomaali ah oo mindi lagu dilay. Wuxuu mustaqbal weyn ku lahaa Tartanka Feerka

0
141

Magaalada London waxaa afar maalin kahor mindi lagu dilay Wiil 18 sano jir soomaali ah oo lagu magacaabo jiray Mahad Ali. Dilka 18-jirkan soomaaliga ah ayaa ka dhacay goob xaflad ah, waxaana ka danbeeyay koox weerar kusoo qaatay xafladaas ay isugu imaadeen dhalinyaro uu kamid ahaa 18-jirka geeriyootay. 

Mahad Ali ayaa kamid ahaa koox tartanka feerka ah, waxeyna macalimtiisu sheegeen inuu mustaqbal weyn ku dhex lahaa tartanka feerka. Warbaahinta iyo baraha bulshada magaalada Londo, waxaa ilaa shaley aad looga hadalhayay geerida 18-jirkan soomaaliga ah. 

Ilaa hada boolisku qofka uma soo qaban falka dilka arxan darada ah ee loo geystay 18-jirkaas soomaaliga ah. 

Xigasho/kilde: Standard.co.Uk

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments