London: Cunsuri hooyo soomaali ah iyo gabadheeda ku weerarary hilib Doofaar

0
144

Dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyay, waxaa baraha bulshada ee sosial-mediyaha iyo warbaahinta U.K aad looga hadalhayay dhacdo uu nin cunsuri ah  hilib doofaar ku weeraray hooyo soomaali ah iyo gabadheeda oo wadada maraya. Ninkan ayaa labadan dumar ah ee soomaaliyeed dusha uga tuuray hilib doofaar, nooca loo yaqaan Bacon-ka, isaga markaas ku qeylinayo ereyo naceyb iyo cunsurinimo ka dhan ah muslimiinta.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Alex Chivers ayaa ah nin fikir ahaan taabacsan kooxaha xagjirka midigta fog, kuwaas oo aad uga soo horjeedo soo galootiga muslimiinta ah. Ninkan oo ay markii danbe gacanta kusoo dhigeen booliska London, ayaa lagu xukumay 24 isbuuc oo xabsi ah, kadib markii uu qirtay falka lagu soo eedeeyay.

Waxaa barta Facebooga iyo waliba Youtube-kaba lasoo dhigay muuqaalka ninkan oo dumarkan soomaalida ah ku weerarayo hilib doofaarka. Halkan ka daawo muuqaalka. 

Bilooyinkii ugu danbeeyay waxaa soo kordhayay falalka tacadiyada ka dhanka ah haweenka muslimiinta ah ee kunool wadamada Galbeedka guud ahaan. Labo isbuuc kahor ayey aheyd markii hooyo soomaali ah mindi lagu weeraray bartamaha magaalada Oslo, iyada ay soo gaareen dhaawacyo waaweyn. Halkan ka akhri dhacdada Oslo iyo hooyada soomaalida ah.

Xigasho/kilde: Independent.co.uk

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments