Lacagta Kontantstøtten oo laga dhigay 7500 NOK, sidii lagu heshiiyay miisaaniyadii sanadkan 2017!

0
181
Gudoomiyaha KRF:Knut Arild Hareide

Lacagta la siiyo waalidka heysta caruurta ay da´doodu u dhaxeyso sanad ilaa labo sano, isla markaana aan dhigan xarumaha xanaanada caruurta ee dowlada(Barnehage), ayaa waxaa lagu kordhiyay 1500, taas oo oo hada noqon doonto 7500 NOK. Halkii ay markii hore aheyd 6000.

Arintan ayaa dabo socoto heshiiskii ay xisbiyada wadaaga ah ee dowlada ay galeen dhamaadkii sanadkii hore, intii ay socotay wada-xaajoodyada miisaanyada sanadkan  2017. Waxaana fikirkaas lahaa xisbiga KRF oo lagu tiriyo xisbiga inta badan u dooda lacagtan la siiyo waalidiinta caruurta ku heysta guryaha.

Dhamaan xisbiyada kale ee dowlada ayaa kasoo horjeedo lacagtaas la siiyo waalidiinta ilmaha ku heysto guryaha, iyada oo qaarkood sida Frp, Ap iyo Høyre ay soo jeediyeen in gabi ahaanba la jaro, halka qaarkoodna ay aaminsanyihiin in la yareeyo.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in dowlada Norway ay isbuucyo kahor meel-marisay sharci dhigaya in  lacagtaas aan la siin karin dadka soo galootiga ah ee wadanka degenaa wax kayar 5 sano.

Xigasho/kilde: VG.NO

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments