Keshvari: Qoxootiga usoo guura Oslo, haloo diido taageera dhaqaale

0
139

Warbixin ay dhawaan soo saartay wakaalada xog uruurinta iyo tirokoobyada ee SSB, ayaa lagu sheegay in qof kamid ah afartii qof ee qoxooti wadanka ku cusub ahba, ay Oslo usoo guuraan kadib marka ay helaan sharciga magangalyada.

Afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbiga FRP, ahna gudoomiyaha FRP Oslo, Meshyar Keshvari ayaa soo jeediyay in taageerada dhaqaale loo diido qoxootiga Oslo usoo guura, iyaga oo aan heysan shaqo iyo guri midna.

Keshvari ayaa TV2 u sheegay inaysan caqligal iyo wax sii socon karo aheyn, in qoxootiga wadanka ku cusub ay usoo guuraan meesha ay ugu qaalisanyihiin kirada guryaha(Oslo), isla markaana ay sugaan in dowladu ay bixiso lacagtooda. Wuxuuna raaciyay in kirada guryaha iyo dhaqaalaha ku baxa soo galootigu degan gobolada, ay aad u yartahay marka lala barbardhigo kuwa degan Oslo. Isaga oo sidoo kale sheegay in qofka ay u sahlantahay inuu wadanka dhexgalo, marka uu deganyahay gobol ay ku yaryihiin soo galootiga ay isku wadanka kasoo jeedaan.

Xildhibaan Ap ah oo taageersan:

Jan Bøhler oo ah xildhibaan katirsan xisbiga Ap, lagana soo doorto magaalada Oslo, ayaa dhankiisa sheegay inay haboontahay in la xadido tirada soo galootiga ah ee kunool magaalada caasimada ah ee Oslo. Isaga oo sheegay inuu taageersanyahay soo jeedinta Keshvari, hadii ay run katahay, oo aysan kaliya aheyn owr ku kacsiga olalaha doorashada.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER, TV2.NO

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments