tirsdag, april 23, 2024

Ka digtoonow naagaha qaa-qaawan ee Facebooga kugu soo darsada!!

Isbuucii ama bishiiba mar ama dhowr jeer Facebooga maku soo darsadaan naago ay Facebooka u saaranyihiin sawiro qaa-qaawan, isla markaana raba inaad saaxiib kugula noqdaan Facebooga. Waxaad ogaataa in Faceboogyadaas ay yihiin kuwo bug ah(faaliso ah) oo ay sameysteen kooxaha burcad internetka ah, waana mid kamid ah hababka kala duwan oo ay adeegsadaan si ay dadka khatalaan(khiyaameeyaan).

Profiladan Facebooga ah ayaa marka aad aqbasho, waxaa sawirada hoostooda ku qoran linkiyo website-yo ay rabaan inaad gasho, kuwaas oo xambaarsan Virus, keeninana kara inay awood u helaan helitaanka macluumaadka ku keydsan computerkaaga/mobilkaaga, isla markaana ay xadaan. Waxaana dhici karta inay jabsadaan kontada bankiga, ama ay xadaan macluumaadkaaga shaqsiyeed, isla markaana ay si qaldan u adeegsadaan.

Sidoo kale waxaa Profilada Facebookyadaas adeegsado website-yada ka shaqeeya aflaanta anshax-xumada ah, kuwaas oo raba inay xayeysiin u sameystaan filimada anshax xumada ah.

Faceboogyada waxaa gacanta ku hayo rag badanaa kasoo jeedo Yurubta Bari, waxeyna soo xadaan sawirada Naago qaa-qaawan, iyaga ku sameysto Faceboogyadaas faalisada ah.

Ha Aqbalin oo tirtir:

Hadii ay kugu soo darsadaan, ha aqbalin ee tir-tir dalabkooda saaxiibtinimo ee Facebooga.

Xigasho/kilde: NRK, MEDIER24

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x