Isreal: Wixii ka weyn 50 sano oo kali ah ayaa booqan karo masaajidka Al-Aqsi

0
242

Amar kasoo baxay dowlada Israil ee ka talisa magaalada Qudus ayaa lagu sheegay in magaalada qadiimka (old city) ah ee uu ku yaalo Masjidka barakaysan ee al-Aqsa aysan u soo dhawaan karin Muslimiinta da’doodu ka yartahay 50 sano. Jimcadii hore ayaa saddex nin oo hubeysan ku dileen banaanka hore ee Masjidka laba ka tirsan ciidanka Israil, kahor inta aan iyagana lagu dulin barxadda masjidka.

Maalinkasta oo Jimce ah waxaa masjidka u soo cibaado tegi jirey dad ku dhaw 10 000 oo qof oo ka kala imaan jirey meelo ka baxsan magaalada Qudus ee Israel ay ka taliso.  Bayaan ka soo baxay Boolisla Israil ayaa lagu sheegay in magaalada qadiimka ah iyo Masjidka Aqsa ay imaan karaan ragga da’doodu ka weyn tahay 50 sano, dumarka ayaa lagu sheegay bayaanka in ay imaan karaan da’ kasta oo ay yihiin.

Horey ayaa amar kan lamid ah Israil uga soo saartey cidda ku tukan karta Masjidka, mararkaas ayaa da’da loo oggol yahay marna ku sheegeen 35 marna 40.

Waxaa laga cabsanayaa in ay dhacaan mudaaharaado waaweyn oo rabshado wata, Yuhuuda ayaa keentay magaalada Qudus ciidamo Boolis ah oo dheeraad ah oo gaara 3 000 oo askeri.

Masjidka al-Aqsa ayaa ah kan saddexaad ee Masaajidada barakaysan ee muslimiinta, waxaana uu ahaa halka Muslimiinta qiblada u ahayd ka hor inta aan Makka loo wareejin.

Xigasho/kilde: NBC-NEWS.COM

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments