Imisa qof oo soomaali ah ayaa kujirto xabsiyada Norway?

0
166
Foto: Wikipedia

Marar badan ayaad maqashay dad soomaali ah oo leh xabsiyada Norway waxaa kujiro boqolaal qof oo soomaali ah, iyada oo aan la ogeyn meesha ay kasoo xigteen tiradaas iyo cida usoo warisay.

Tirokoob laga soo xigtay hey´ada ilaalisa xabsiyada dalkan Norway ayaa lagu sheegay in guud ahaan ay xabsiyada Norway kujiraan 3804, kuwaas oo ka kooban dad kujiro xabsiyo kuyaalo dalkan Norway iyo xabsiyo kiro ah oo ay Norway ka kireysatay dalka Holland. 34% kamid ah dadka kujiro xabsiyada Norway, waa dad soo galooti ah oo aan u dhalan Norway, waxeyna intooda badan kasoo jeedaan wadamada Polen, Lituen, Romania, Albania iyo Sweden oo intuba ah dalal reer Yurub ah.

56 qof oo soomaali ah:

Sida ku xusan tirokoobkan, waxaa xabsiyada Norway kujiro dad gaarayo 56 qof, kuwaas oo dhalasho ahaan kasoo jeedo dalka Soomaaliya. Tiradaas ayaa ah mid wax badan ka yar tirada caadi ahaan la filayay, maadaama marar badan ay dhagaheenu maqleen, xabsiyada Norway waxaa ka buuxa dad soomaali ah. Soomaalida ayaa kujiro kaalinta 6-aad ee dadka soo galootiga ah ee kujiro xabsiyada Norway.

Waxaa xusid mudan in dadka soo galootiga ah ee qaatay dhalashada Norway, loo xisaabinayo inay Norwiiji yihiin, aana la xuseyn dadka ay asal ahaan kasoo jeedaan.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments