Ilaalada xuduudka: Waxaan qabanay 2 qof oo soomaali ah iyo 112 kiilo oo qaad ah!

0
201
Foto: Toll-etaten

War saxaafadeed qoraal ah ay saaka soo saartay xarunta ilaalada xuduudka Norway, qeybtooda Oslo ayey ku sheegeen inay qabteen 111.7 kiilo oo qaad ah iyo afar qof oo tahriibineysay, kuwaas oo labo kamid ah ay yihiin soomaali.

Sida ay sheegeen ilaaladu xuduudku, waxey qabteen haweeney Soomaali-Swedish ah, taas oo ku fadhisay kursiga dadka curyaanka ah, isla markaana tahriibineysay 39,4 kiilo oo qaad ah.

Nin kale oo soomaali ah, heystana dhalashada dalka Australia ayay boolisku sheegeen inay ku qabteen 15,2 kiilo oo qaad ah.

Labada qof ee kale oo lagu qabtay qaadkan ayaa u kala dhashay dalalka Holland iyo Latvia, waxaana lagu qabtay qaad dhan 37,8 iyo 19,3 kiilo.

Afartan qof ayey ilaaladu sheegeen inay ku wareejiyeen xarunta booliska ee kutaal gudaha garoonka diyaaraha ee Gardermeon.

Isbuuc kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale ay ilaalada xuduudka Oslo qabteen nin soomaali ah iyo kiilooyin qaad ah oo aad u tiro badan.

Ilaalada xuduudka ayaa sheegay inay labo jibaarantay tirada qaadka ay ka qabtaan xuduudaha Norway, dhowrkii bilood ee ugu horeeyay sanadkan. Qaadka soo gali jiray Norway ayaa hoos u dhacay, kadib markii qaadka laga mamnuucay dalalka Holland iyo U.K

Xigasho/kilde: Toll-etaten

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments