Germany: Nin Ereteriyan ah oo wiil soomaali ah indhaha ka riday oo xabsi lagu xukumay

0
167

Maxkamad kutaal deegaanka Hanaue ee dalka Germany,  ayaa nin u dhashay dalka Ereteriya oo wiil soomaali ah indhaha kasoo tuuray dhowr bilood kahor, ku xukuntay sagaal sano iyo bar xabsi ah.

Ninkan ayaa bishii October ee sanadkii hore toorey indhaha, cunaha iyo dhagaha kaga dhaawacay wiil soomaali ah oo da´ ahaan aad uga yar. Ninkan ayaa sheegtay inuu jiro 20 sano, laakiin baaritaan kadib ayaa la ogaaday in da´diisa saxda ah ay tahay 26 sano.

Go´aanka maxkamada ayaa yimid kadib markii ninkaas lagu helay cadeymo ah inuu imaaday guriga wiilka dhibanaha ah, kadibna ay ku murmeen game, taas oo ugu danbeyn keentay inuu xanaaqo, isla markaana uu si ula kac ah wiilka soomaaliga si arxan daro ah u tooriyeeyo.

Qareenka u doodayay ninkan Ereteriya kasoo jeedo ayaa sheegay inuu racfaan ka qaadan doono xukunka maxkamada ee sagaalka sano ah.

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments