Duqa Minneapolis: Soomaalidu masuul kama ahan dilkii uu geystay sarkaalka soomaaliga ah

0
208

Duqa magaalada Minneapolis, haweeneyda lagu magacaabo Betsy Hodges ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebooga ku sheegtay in jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Minneapolis aysan masuul ka aheyn, aana loo dhibaateyn karin dilkii uu geystay Maxamed Nuur oo ah sarkaal katirsan ciidamada booliska magaaladaas.

Betsy Hodges ayaa dhan kale sheegtay in Maxamed Nuur loola tacaamuli doono si lamid ah askarta kale ee ey ka dhacaan danbiyada dilka ah, isla markaana aysan jiri doonin wax isaga ku gaar noqon doono. Iyada oo dhanka kale sheegtay in wax aan loo dulqaadin karin ay tahay in ficil uu hal qof geystay dusha loo saariyo qowmiyad dhan.

Maalmahan waxaa aad u kacsan xaalada jaaliyada soomaaliyeed ee Minneapolis, iyada oo kooxaha cunsuriyiinta iyo muslim naceybka ah ay bilaabeen inay dilka sarkaalkaas soomaaliga ah dusha u saaraan soomaalida magaaladaas, iyaga oo ka dhigaya dil uu geystay qof soomaali shicib caadi ah.

Warbaahinta lokalka ah ee magaalada ayaa sidoo kale hadalo qaloocsan ka qorayo maxamed Nuur, iyaga oo war walba banaanka keenayo inuu yahay muslim soomaali, meesha ka saaraya shaqadiisa aheyd sarkaalka boolisnimo.

Xigasho/kilde: Voa-Somali. 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments