Dowlada Norway oo war kasoo saartay booqashadii Brende ee Muqdisho

0
176
R.W Soomaaliya iyo Wasiirka arimaha dibada Norway

Dowlada dalkan Norway ayaa war qoraal ah kasoo saartay booqashadii uu wasiirka arimaha dibadda Norway, Børge Brende ku tagay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Booqashadaas oo aheyd tii ugu horeysay abid ee uu wasiir arimo dibadeed ee Norway ka socdo uu ku tago Soomaaliya.

Norway ayaa sheegtay in waqti dheer ay ka qeybqaadaneysay dadaalka loogu jiro nabadeynta Soomaaliya. Wasiirka arimaha dibada Norway ayaa sheegay in Soomaaliya ay tusaale u tahay sida ay u adagtahay in horumar lagu abuuro wadan ay burbureen inta badan kaabayaashii dowlada, iyo sida ay muhiim u tahay in xaaladaas loo wajaho qaab istiraatiiji iyo firfircooni ah, si looga miro dhaliyo dadaalka loogu jiro wadankaas u nugul colaadaha.

Brende ayaa dhanka kale sheegay in Norway ay  la shaqeyso qeybo kala duwan oo bulshada soomaalida kamid ah, ayna ka qeybqaataan howlo badan oo Soomaaliya ka socdo. Wuxuu tusaale usoo qaatay mashruuca nalalka cadceeda ku shaqeeyo oo uu sheegay inay ka qeybqaateen soo celinta bilicda iyo xasilinta amaanka xaafada oo caasimada Muqdisho kamid ah.

Dowlada cusub waxaa ka go´an inay amaanka soo celiyaan:

Brende ayaa sidoo kale sheegay in kulamadii uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo R.W Kheyre ay u xaqiijiyeen in dowlada cusub ay ka go´antahay, dadaalna ugu jiraan sidii loo soo celin lahaa amaanka Soomaaliya iyo sidii mustaqbal xasiloon looga abuuri lahaa Soomaaliya.

Waxaan ka wada hadalnay xaalada amaanka, ciidanka nabad ilaalinta Amisom iyo dagaalka lagula jiro al Shabaab. Sidoo kale waxaan isla soo qaadnay sidii loo sameyn isbadal siyaasadeed iyo kor u kac dhaqaale, kuwaas oo furo ah sidii ay dowlada u kasban laheyd kalsoonida shacabkeeda ay sanado badan daaliyeen colaado, ayuu Brende ku sheegay qoraalka ay dowlada Norway kasoo saartay booqashadii uu ku tagay Muqdisho. 

Xigasho/kilde: Regjeringen.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments