(Dhageyso)-Sabaax Maxamed: Waxaan korsadaa ilmo laga qaatay qoys soomaali ah

0
187
Sabaax M. Ahmed Foto: BBC-SOMALI

Marar badan ayaan maqalnaa in qoys ama waalid soomaali ah lagala wareegay xanaanada caruurtooda, laguna wareejiyay qoysas kale oo cadaan ah, iyada ay suurtogal tahay in caruurtaas lagu wareejiyo qoys qaraabo la ah ama qoys kale oo soomaaliyeed. Sababtu waxey rabto ha noqotee, dalkan Norway wey yartahay tirada caruurta soomaaliyeed ee xanaanadooda lagu wareejiyay qoysas kale oo soomaali ah, kadib markii laga qaatay qoyskoodii.

Sabaax Maxamed Axmed waa hooyo soomaali ah oo kunool dalka Canada, isla markaana heysata shan caruur ah. Sida ay sabaax u sheegtay laanta afka soomaaliga ee BBC-da, waxey dhawaan lasoo wareegtay xanaanada ilmo soomaaliyeed oo laga qaatay qoys soomaali ah, iyada oo sheegtay inay ka danqatay in cunugaas lagu wareejiyo qof kale oo aysan isku dhaqan iyo diin aheyn.

Sida ay Sabaax sheegtay hooyada dhashay ilmaha la qaatay, ayaa ah gabar dhalinyaro ah. Halkan ka dhageyso wareysiga sabaax ee BBC-da(Click sii/riix)

[adsenseyu2]

Hadii aan nahay soomaalida degan dalkan Norway Norway, waxaan u baahanahay 1000 Sabaax.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments