Denmark: Nin xabsi lagu xukumay, kadib markii la qabtay isaga oo tuugsanayo

0
118

Dowlada Denmark ayaa dhamaadka bishii hore ee Juni soo saartay go´aan ay ku mamnuuceyso tuugsiga(dawarsiga) laga sameeyo goobaha dadweynaha. Waxaana qofkii arintaas lagu qabto la sheegay inuu muteysan karo xabsi dhan ilaa labo isbuuc, loona raacin karo musaafurin hadii uu yahay qof aan u dhalan wadankaas.

Nin u dhashay dalka Roomaaniya ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee uu qabtay sharcigaas cusub ee dhawaaan laga dhaqan-galiyay Denmark, waxaana lagu xukumay xabsi dhan 14 maalmood. Ninkan ayaa waxay boolisku soo qabteen isaga oo koob kaga tuugsanayo xarunta tareenada Nørrebro ee magaalada København.

Sidoo kale laba qof oo kale oo u dhashay dalka Roomaaniya ayaa lagu soo eedeeyay falalkaa la xiriiro tuugsiga.

Dowlada Norway ayaa dhankeeda sanado kahor soo jeedisay in la mamnuuco tuugsiga, iyada oo magaalooyinka qaarkood ee dalkan Norway ay mamnuuc tahay in lagu tuugsado wadada.

Xigasho/kilde: NRK

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments