fredag, april 19, 2024

Denmark: Labo nin oo soomaali oo ku xiran dalka Denmark. Kiis la xiriira falal argagaxisa oo lagu eedeeyay

Sida ay qorayaan qaar kamid ah warbaahinta dalka Denmark, waxaa dalkaas mudo lix bilood ah ku xiran labo nin oo heysta dhalashada Denmark, laakiin asal ahaan kasoo jeedo dalka Soomaaliya.

Labadan nin ayey hey´ada nabad sugida iyo sirdoonka Denmark xabsiga dhigtay  16-kii bishii Janaury ee sanadkan. Ilaa hadana laguma soo oogin wax kiis danbi ciqaabeed ah, waxaana mar walba loo cusbooneysiinayay mudada kumeel gaarka ah oo ay xabsiga kusii xirnaan doonaan.

Sida uu qorayo wargeyska JY-posten, labadan nin ayaa waxaa lagu soo eedeeyey inay xiriir la lahaayeen koox shabakad xagjir ah oo kajirto magaalada Manchester ee dalka U.K. Kooxdaas oo aheyd midii uu katirsanaa ninkii bishii may magaalada Manchester ka geystay weerar ay ku dhinteen 22 qof.

Mid kamid ah labadan nin ayaa waxaa laga mamnuucay inuu soo gala U.K, halka kan kalena horey loogu xukumay 7 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeeyay inuu gacan ka geystay safarka ay dhalinyaro heysato dhalashada U.K ay ugu safreen dalka Siiriya.

Xigasho/kilde: AMSAVISEN.DK

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x