Columbus: Sadex qof soomaali ah oo lagu dilay gobolka Ohio

0
120

Sida ay qorayaan warbaahinta lokalka ah ee magaalada Columbus ee gobalka Ohio ee dalka Mareykanka, waxaa habeenkii xalay ahaa magaaladaas lagu dilay labo dhalinyaro soomaali ah, iyada oo dhaawacna loo geystay sadex kale oo dhalinyaro ah. Dhalinyaradan soomaalida ah ee la dilay, ayaa lagu soo weeraray gurigooda oo kuyaal xaafad kamid ah magaalada.

Sida ay markii danbe xaqiijiyeen booliska Columbus, waxaa magacyada wiilasha soomaalida ah ee xalay la dilay lagu kala magacaabaa Abdul Kadir Ali Yussef iyo Mohamed Ali Mohamed.  Booliska Colombus ayaa ku raad-jooga isku dar afar qof oo lala xiriirinayo inay ka danbeeyeen falkaas dilka iyo dhaawacyada ah.

Soomaalida magaalada Columbus ayaa sidoo kale sheegay in maalmo kahor dil magaaladaas loogu geystay wiil kale oo dhalinyaro soomaali ah.

Xigasho/kilde: The Columbus Dispacht

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments