Captan Mohamed A. Jama oo guuldaro ka bad-baadiyay kooxdiisa Tromsdalen

0
182
Foto: Rune Stolts

Laacibka soomaaliga ah ee u ciyaara kooxda Tromsdalen ee horyaalka heerka labaad ee dalkan Norway, Mohamed Ahmed Jama(MO) ayaa shaley guul-daro ka badbaadiyay kooxda uu captanka u yahay, kadib markii uu qeybtii labaad ee ciyaarta dhaliyay goolka barbaraha ah.

Goolka Mo ayaa Tromsdalen u sahlay inay sii xajiso booska shanaad ee horyaalka heerka labaad ee dalkan Norway. Waxaa xusid mudan in kooxdan ay sanadkan kusoo biirtay horyaalka heerka labaad ee OBOS-ligaen, iyada oo sanadkii hore ka ciyaari jirtay horyaalka heerka sadexaad.

Mohamed Ahmed Jama ayaa horey ugu safan jiray kooxda Tromsø ee horyaalka heerka koowaad ee dalkan Norway.

Xigasho/kilde: Tromsdalen.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments