Austria: Soomaali iyo Afgaanistaan isku faro-saartay xero qoxooti iyo wiil soomaali ah oo isbitaalka loola cararay

0
211

Sida uu qorayo wargeyska Salzburg ee dalka Austria, xero qoxooti oo kutaal magaalada Purkersdorf (Bezirk St. Pölten) ayaa waxa uu dagaal gacan ka hadal ah ku dhexmaray koox soomaali iyo Afgaanistaani ah, kuwaas oo kaamka ku wada noolaa.

Wiil soomaali 17-sano jir ah ayaa la sheegay in dhacdadaas owgeed uu kasoo dhacay daaqada dabada labaad ee xeradaas uu dagaalku ka dhacay, waxaana soo gaaray dhaawacyo daran, iyada oo markii danbe loo cararay isbitaalka, sida ay xaqiijiyeen booliska magaaladaas.

Booliska magaalada Purkersdorf  ayaa sheegay inay dhacdadaas usoo qabteen dhowr qof oo qaarkood ay xabsiga dhigeen.

Dalka Austria waxaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay magangalyo soo weydiistay boqolaal soomaali ah, kuwaas oo u badan dhalinyaro.

Xigasho/kilde: Salzburg

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments