Ap: Waxaan qiimeyneynaa in xarun qoxooti laga furo dalka Libya

0
144

Madaxweynaha dalka Faransiiska E. Macron ayaa sheegay in dalkiisu uu dhawaan wadanka Libya ka hirgalin doono xarun qoxooti, taas oo ay iska soo dhiibi karaan dadka magangalyo doonka ah ee raba inay magangalyo weydiistaan France.

Ujeedada arintan ka danbeyso ayuu Macron tibaaxay inay tahay in laga hortago dadka aan xaqa u laheyn magangalyo, inta aysan usoo tahriibin qaarada Yurub. Wuxuuna raaciyay in xaruntaas la hirgalin doono bilahan soo socdo, laakiin xaalada amaan ee dalka Libya ayaan arintaas hada saamixi karin, wuxuuna Macron ku qasbanyahay inuu sugo bilo kale oo dhowr ah.

Ap: Arintaas oo kale ayaa anaguna qiimeyn doonaa

Xisbiga shaqaalaha(Ap) ayaa maanta dhankooda sheegay inay qiimeyn doonaan in dalka Libya laga furo xarun lagu qaabilo dadka magangalyo doonka ah inta aysan bada soo galin. Stein Eirik Lauvås oo ah afhayeenka xisbiga shaqaalaha ee arimaha soo galootiga ayaa sheegay in arintaas ku sameyn doonaan qiimeyn, iyada oo loo fiirin doono inay xaliso dhibaatada qoxootiga iyo ka hortaga burcada ka shaqeysta tahriibin dadka(magafayaasha).

Stein Eirik ayaa dhanka kale raaciyay in Norway aysan arintaas kaligeed qabin karin oo ay u baahantahay inay la kaashato wadamada kale.

FRP: Fikirkaas anaga ayaa nalaga xaday

Xisbiga FRP ayaa dhankooda sheegay inay fikirkaas kaas oo kale ay soo bandhigeen hada kahor, balse diidmo iyo jees-jees  ay kala kulmeen xisbiyo uu ugu horeeyo Ap. Iyaga oo raaciyay in arintaas ay kujirto xalka kahortaga qoxootiga usoo tahriiba Yurub-

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments