Aftenposten: Qaabka ayey UDI-du u baartaa Facebooga qofka, marka ay ka shaqeynayaan kiiskiisa

0
136

Wargeyska Aftenposten ee dalkan Norway, ayaa warbixin aad u dheer ka qoray qaabka ay UDI-da iyo Boolisku u dabo-galaan Facebook-yada dadka ay ka shaqeynayaan kiisaskooda ama dadka uu shakiga kujiro aqoonsigooda shaqsiyeed. Warbixinta Aftenposten oo aheyd mid aad u dheer, ayaan halkan kusoo koobeynaa nuxurkeeda.

  1. Sidee ku helaan Facebooga qofka:

Su´aasha ugu horeyso ee la isweydiin karo, waa sida ay UDI-du ama boolisku kusoo helaan Facebooga qofka ay baarayaan kiiskiisa. Sida ay Aftenposten qoreyso, UDI-da ayaa isticmaasho habab u gaar ah oo ay ku ogaan karaan Facebooga qofka ama  barahiisa kale ee bulshada, sida tusaale ahaan inay ku baaraan Telefoonkiisa gacanta ama e-mailka uu ku xareeyay codsiga magangalyada. Sidoo kale waxay sheegeen inay jiraan habab kale oo ay ku ogaan karaan Facebooga qofka, marka ay rabaan inay ogaadaan macluumaad ku saabsan qofkaas.

[adsenseyu2]

2. Maxey Facebooga iyo Baraha bulshada ka baaraan :

Sida ay sheegeen, waxey isku fiiriyaan macluumaadka uu qofku u sheegtay hey´adaha dowlada Norway iyo macluumaadka ugu qoran Facebooga ama baraha kale ee bulshada. Sida meesha uu kasoo jeedo deegaan ahaan, da´da ugu qoran Facebooga, sawirada uu soo galiyo, meesha uu kusoo galay, dadka uu saaxiibka kula yahay Facebooga iyo meesha ay u badanyihiin inay kasoo jeedaan. Waxey kale oo fiiriyaan safarada uu qofka galay, iyaga oo raacaya qariidada Facebooga(Facebook-Kart), sidoo kale dadka commentiga ka bixinayo Facebooga qofkaas iyo meesha ay kasoo jeedaan.

Macluumaadka ay halkaas kasoo helaan ayay sheegeen inay yihiin kuwo sawir fiican ka bixin karo, aqoonsiga shaqsiyeed ee qofka iyo meesha uu kasoo jeedo. Taas oo xaqiijin karta macluumaadka uu qofka isku dhiibay inay saxyihiin iyo inkale.

3. Miyey jabsadaan Facebooga mise?

Warbixinta ay Aftenposten qortay kuma xusna inay jabsadaan Facebooga qofka, balse waxaa ku xusan inay baaraan, isla markaana ay dabo-galaan macluumaadka furan ee uu qofku soo dhigo bartiisa Facebooga ama baraha kale ee bulshada, sida Twitter, Intsgram iwm.

4. Waxaan qofka siinaa jaanis oo noogu sharaxo:

Sida ku xusan warbixinta Aftenposten, UDI-da ayaa qofka siiso jaanis uu ku sharaxo isla markaana uu fikirkiisa kaga dhiibto macluumaadka ay kasoo heleen bartiisa Facebooga. Sharaxaadaas oo mar kale keeni karto in baaritaanka ay sii wadaan ama ay halkaas ku xiraan.

[adsenseyu2]

5. Tusaalayaal:

a) Nin kasoo jeedo dalka Afgaanistaan ayaa isku dhiibay inuu da´ ahaan jiro 17 sano. Booliska ayaa sheegay in ninkaas uu qaab ahaan ka weynyahay da´daas, taas oo keentay in lagu sameeyo baaritaan dheeri ah. Kadib ayaa lagu sameeyay baaritaan dhanka da´da ah, taas oo sheegtay in da´diisu ay tahay labaatameeyo. Booliska ayaa dhanka kale baaritaan ku sameeyay Facebooga, waxaana halkaas laga soo helay macluumaad sheegayo in ninkaas uu da´ahaan ka weynyahay 18 sano, wuxuuna bartiisa Facebooga ku qoray inuu dhashay sanadkii 1994. Arintaas ayaa sababtay in ninkaas loo diido sharciga magangalyada, isla markaana lagu celiyo dalkiisa Afgaanistaan.

B) Haweeney 28 sano jir ah ayaa isku dhiibtay inay kasoo jeedo dalka Soomaaliya, waxeyna sharciga magangalyada heshay sanadkii 2007. Booliska Norway ayaa waqti kadib baaritaan ku sameeyay barteeda Facebooga, waxeyna sheegeen inay Facebooga ku isticmaali jirtay luuqada Faransiiska, isla markaana ay asxaabteeda Facebooga kula sheekeysan jirtay Af-Faransiis.

Booliska ayaa fariin Massege ah luuqada Faransiiska ugu diray haweeneydaas, waxeyna sheegeen inay si fiican u aqrineysay luuqada Faransiiska. Sidoo kale waxey sheegeen inay fariin whtsupkka ugu dirtay qof kale, iyada oo sheegeyso ineysan kasoo jeedin Jabuuti, lacala uu qof kale weydiiyo.

Sanadkii 2015 ayey UDI-du dib ula noqotay magangalyadii haweeneydaas, iyaga oo sheegayo inay kasoo jeedo dalka Djabuuti. Waxaana sidoo kale lagu xukumay 6 bilood oo xabsi, maadaama ay booliska u sheegtay macluumaad qaldan. Sida ay Aftenposte qoreyso, macluumaadka Facebooga laga helay ayaa udub-dhexaad u ahaa in haweeneydaas lagala noqdo sharciga magangalyada.

Wadamada kale ee Yurub:

UDI-da ayaa hababka ay wax u baaraan la qeybsaday dalalka kale ee Yurub, iyaga oo sheegay inay iyagana dhankooda soo heleen aqoon dheeri ah oo ku saabsan sida ay wax u baari lahaayeen.

Xigasho/kilde: Aftenposten-Papiravis-13-07-2017, side 4

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments