onsdag, april 24, 2024

Afar qof oo xaley lagu dhaawacay Oslo iyo nin ay boolisku qabteen

Afar qof ayaa xalay lagu dhaawacay goob club ah oo kutaal bartamaha magaalada Oslo, kadib markii uu nin xabado ku furay goobtaas clubka ah oo markaas ay joogeen dad aad u badan. Booliska ayaa isla goobtaas ka qabtay nin ay boolisku sheegeen inuu ahaa qofkii ka danbeeyay falkaas.

Sadex kamid ah dadka dhaawacmay, waxey ahaayeen dad ka shaqeynayay goobta clubka ah, waxeyna kala ahaayeen Labo waardiye iyo qof shaqaale ka ahaa baarka. Halka qofka afaraadna uu ahaa qof ku sugnaa clubka, xiliga uu falkaas dhacay.

Sida ay boolisku sheegeen, ninka ayaa ahaa qof loo diiday inuu gudaha usoo galo clubka, waxaana amar lagu siiyay inuu isaga tago goobtaas. Laakiin daqiiqado kadib ayuu xabado ku furay ilaalada clubka, isaga oo dhaawacay labo kamid ah.

Booliska ayaa sheegay in ninkaas uu ahaa qof ay horey u yaqaaneen, iyaga oo isla saakaba kusoo oogay dacwad isku day dil ah.

Inkasta oo aysan boolisku si rasmi ah ugu dhawaaqin aqoonsiga ninkan, hadana qaar kamid ah warbaahinta ayaa qoreyso in ninkan uu yahay Norwiiji asal ah.

Xigasho/kilde: VG, NRK.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x