Abdullahi Elmi: Wada shaqeyn u dhaxeysa barnevern-ka Bergen iy masaajidka Bergen

0
126
Ustaad Abdullahi Elmi Ibrahim. (Bergen)
Ustaad Abdullahi Elmi Ibrahim. (Bergen)

Masjidka Bergen waa masjid ay ku mideysan yihiin muslimiinta magaalada kunool dhan, waxaana ka diiwaan gashan xumno kor u dhaafaya 3000, kuwaas oo ka kala yimid mid wadamo kabadan 45 wadan. Masjidku wuxuu qabtaa hawlo aad u farabadan oo aan halkaan lagu soo koobi karin, laakiin waxaan rabaa in aan qoraalkaan gaabban uga warbixiyo wadashaqeyn u masjidku layeeshay hay’adda daryeelka carruurta ee degmada Bergen.

Wadashaqeyntu waxay bilaabatay 2012, kadib markii aan aragnay dhibaadada la soo deristay qoysaska muslimiinta iyo carruurta laga qaadayo waalidkood. Haddii aan si guud u soo koobo bilawgii wada shaqeynta, waxaan dhihi karaa arrin fudud maysan eheyn sababa jira awgood. Sababaha waxaa kamida in aqoonteena aan ulaheyn arrintaan oo liidatay, iyigii oo aan na aqoonin iyo bulshada oo shaki qabtay.

Anaga ayaa qaadnay tilaabadii ugu horeysay oo la xariirnay hay’adda, aadna way noo soo dhaweeyeen, waxayna shegeen inay iyaguba daneynayeen wadashaqeyn nuucaan ah laakiin meel ay kabilabaan ay la’ayeen. Intaa kadib wada shaqeyntii si tartiib tartiib ayay ku bilaabatay waxayna qaadatay kulama badan in aan isfahano oo isbarano. Markaas kadib ayaan isla meeldhignay wixii aan kawada shaqeyneyno iyo qaabka. Waxyaabaha aan ku heshiinay waxaa kamid ahaa:
1. in aan xoogga saarono ka hortag si an ubadka looqaadan
2. in aan iska kaashano xal uhelida haddii ubad laqaato
3. in masjidku kaalin mugle ku yeesho xalinta qilaafaadka qoysaska,
4. in sideeda xaafadood ee Bergen ka kooban tahay laga helo qof shaqaalaha hay’adda kamid oo masjidku toos ula xariiro haddii ubad laqaato ama arrimo kale ay dhacaan.
5. in aqoonta labada dhinac kor loo qaado, lana sameeyo wacyigelin joogta ah.
6. In la diyaariyo qoysas muslimiin ah oo diyaar u ah inay hayaan ubadka waalidkood laga qaado.

Dhamaan qodobadaas iyo kuwa kale oo badan waa lagu guuleysat oo masjidku wuxuu kaalin mugle ka qaatay xalinta dhibaatoyin dhacay. Waxaana ku guuleysanay in aan dib u soo celino carruur 10-baneeyo kor u dhaafaya. Tani waxay sababtay in masjidkii loo aqoonsado khilaaf xaliye karti iyo aqoon uleh xalinta khilaafaadka. Bulshadiina isbedel ayaa ku dhacay oo waxaad arkeysaa in wacyigii kordhay oo dadku ay ku soo dhiiranayaan inay su’aalo iyo talooyin dadka weydiistaan.

Shaqadaan laqabtay waxay noqotay mid muuqata oo dhiirigelin unoqota hay’addihii ay quseysay. Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa 27.06.17, waxaa masjidka nagu soo booqatay agaasimaha guud ee qaabilsan daryeelka carruurta ee degmada Bergen. Waxay noo sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay wada shaqeyntaan aan yeelanay, ayna dooneyso in la sii kordhiyo aan halkaas lagu joojin.

“ madoonayo in arrintaan gaabis kuyimaado sidaas darteed waxaan u baahanay in aan sameeyo guddi labada dhinac ka socda oo hoosyimaada xafiisgeyga aniguna gacanta ku hayo si aan u xaqeejiyo in wixii lagu heshiiyay dhaqan galeen ”waxaa tiri Mariane Kildedal oo ah agaasimaha guud ee daryeelga carruurta degmada Bergen.

Isku soo wada duuboo waxaan u aragnaa in wadashaqeyntaan mira dhal noqotay oo faa’iidooyin aad u badan laga gaaray, laakiin culeysku weli waa jiraa oo waxaa loo baahan yahay in la sii laba jibaaro shaqada. Culeysyada jira waxay isugu jiraan mid dhanka hay’addaha nooga yimaada iyo qaar aan anagu isku hayno.  Qaarka aan anagu isku hay’no waxaa kamida in aan isku dhaleeceyno imtixaanada dhaca.

Intabadan waxaa dhacda in qoyska ubadka lagu soo farageliyo suuqa lagu xanto oo la dhaleeceeyo intii loo dhimrin lahaa oo loo muujin lahaa dareen wanaagsan. Waxaan aamin sanahay in qofka ubadka laga qaato ay ku dhacdo qadar Alle oo ay la mid tahay imtixaanada kale ee aan lakulano, sida xanuunada, faqriga iyo iwm. Waa laga yabaa inuu qofku mararka qaar sameeyo qaladaad laakiin waa in qofku diyaar u nqodo inuu soxo.

Waxaan doonayaa in aan ku soo gunaadado oo aan ku soo koobo cashiradii laga bartay wadashaqeyntaan
Waxaan ogaanay:
1. In hay’adda daryeelka caruurtay tahay mid lala shaqeyn karo laakiin u baahan fahan iyo daraaseyn.
2. In wada waqti lageliyo oo aad looga shaqeeyo
3. In anagu aanan malaa’ig eheyn oo aan qaladaadbadan sameyno intabadan aan u saarino hay’adaha kale
4. In aan u baahanay wacyigelin joogta ah iyo in aan barano sidii aan dhexdeyna u wanaajin leheyn.

W.Q: Abdullahi Ibrahim Elmi(CC).

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments