Abdul M. Ahmed: Maxaa sababay in magaalada Bergen aan la maamuusin maalmaha xoriyada, maxaase xal ah?

0
154
Abdul M.Ahmed: Qoraaga maqaalkan
Abdul M.Ahmed: Qoraaga maqaalkan

Maalmihii ugu dambeeyey waxay Soomaalida caalamka daafihiisa ku nooli u dabbaal-degayeen maalmaha xoriyada ee kala ah, 26ka Juun ee gobollada waqooyi iyo 1da Luulyo ee gobollada koonfureed. Dabbaal-dega maalmaha xoriyada ayaa si mug leh looga damaashaaday meelo badan oo caalamka ah.

Waxaa taas dhinac socotay magaalada Bergen oo ah caasimada 2aad ee Norway, in aan laga xusin maalmaha xoriyada. Waxaan aad ula socday farriimaha Facebookga, dhallinyarada iyo duqayda magaalada Bergen isku dhaafsanayeen, oo ay kaga doodayeen sababta keentay in aan Bergen laga xusin musaasabadah madax-banaanida.

Xusid la,aanta maalmaha xoriyada waxay dhaliyeen doodo ilaa maantadan ka socda Facebookga. Waxaa la is weydiiyey su,aalo badan oo ay ugu cuslayd. Maxaa hortaagan in 26ka juun iyo 1da luuliyo lagu xuso magaalada Bergen? Ma diin mise dadnimo xumo?. Runtii waxay ahayeen doodo dareenkooda xambaarsanaa. Haddii si kale loo dhigo lahaa kuwo caadifad iyo xanaaqba leh, iyo kuwo isku dayeyey in la raadiyo xal waara u ku wajahan mustaqbalka. Inta badan dadka sida aadka uga gubanayey ayaa u badnaa dhallinyarada magaalada oo u arkayey in faca, jiilka ama generationka soo koraya aan wax dhaxal ah looga tagayn haddii xaalku sida ku sii socdo.

Isku soo wada duub sanadkani ma aha sanadkii ugu horreyey ee Soomaalida Bergen saluugaan ama ay ka hadlaan maamuska maalmaha Qaranka. Sanadkani wuxuu kaga duwan yahay kuwii aan u soo joogay, waxaan la qaban wax maamuus ah ama dabbaal-deg ah oo madax banaanida khuseeya, halka sanadadii hore doodu ahayd sida loo agaasimay dabbaal-dega ma ahayn sidii larabay, ama habboonayd.

Maxaa xal ah: Tirada rasmiga ah ee dadka soomaaliyeed ee magaalada Bergen u diiwaan gashan 1881 waa qof, haddii lagu daro tuulooyinka Bergen ku xeeran waxay tiradu kor dhaafaysaa laba kun iyo siyaado. Sida laga warqabo, tirada ugu badan ee guud ahaan Soomaalida waa dhallinyaro. Dadka soo haajiray ee qurbaha soo galayna waxay u badan yihiin dhallinyaro. Bergen waxay ka mid tahay meelaha dhallinyarada Soomaaliyeed ku badan yihiin. Hadaba dhallinyarada maxaa la gudboon? Dadka waaweyn ee laga yaabo inay u soo joogeen waddankii oo xukuumadi ka jirto, oo u soo joogay maalmaha madax banaanida oo la xusayana maxaa la gudboon? .

Aragtidayda dadka reer Bergen waa dad wanaagsan guud ahaan, kamana duwana Soomaalida daafaha caalamka ku nool. Waxay la wadaagaan waxa Soomaalidu isku khilaafto oo dhan. Maxaa marka keenay in lagu guul daraysto in la xuso sanadkan iyo kuwii hore ee la dhaliilsanaaba? Waxaad moodaa in laysku fiirsanayo in qolo gaar ah wax ka qabato. Sidaasna waxba iskuma bedelaan.

Hadaba dhallinyarada waxaa la gudboon inay ka gudbaan fadhi ku dirirka oo u guntadaan sidii ay mustaqbalkooda wax uga bedeli lahaayeen. Magaalooyin badan oo daafaha caalamka, dabbaal dega waxaa soo abaabulay dhalinyaro, marka dhallinyarada reer Bergen sammaysta ururo idiin gaar ah oo aad si gaar ah danihiina dhallinyarinimo uga shaqaynaysaan, dhiniciina wixii idinku soo aadana ummadda wax ugu qabanaynsaan. Ogaada waxaad tihiin dadkii dhaxli lahaa dhulka. Abaabulku maanta ha bilowdo ha sugin berri.
Duqayda iyo da’da dhexe waxaa la gudboon inay carqalada ka daayaan dhallinyarada. Haddii aan ka caajisnay inaan wax wanaag ah ku biirino, ugu yaraan inaan kala qaybinta ka joojino.

Gebabadii:   In lays eedeeyo oo faraha laysku taagtaago waxba laguma dhiso, ee qof walba meesha uu ummada is leeyahay waxbaad uga qaban kartaa waa inuu ka qabtaa. Inaad dadkaaga wax u qabato horumarkaaga ayaa ku jira, waayo marka dadkaagu wax noqdaan ayaad wax noqonaysaa. Soomaalida guud ahaan, gaar ahaan reer Bergen waxaan leeyahay ‘’BARBARKAY KA BAXDAA WAA BAKAYLE QALEEN’’. Ballanteenu waa sanadka dambe intii Illahay nolol ku gaarsiiyo iyo harumar dhinac walba ah, iyo dabbaal deg maalmaha madax- banaanida oo lagu diirsado.

W.Q: Abdul M Ahmed


Hadii aad rabto inaad bulshada soomaaliyeed la wadaagto aqoontooda, khibradaada, fikirkaaga ama hamigaaga, waxaad qoraalkaada noogu soo gudbin kartaa: NorSomNews@gmail.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments