16-jirkii ka danbeeyay dilka Yacquub iyo Tone oo racfaan ka qaatay xukunka 11 sano ahaa ee lagu xukumay

0
144

Gacan ku dhiiglihii ka danbeeyay dilka Yacquub Abdullahi Hassan iyo Tone Illebek ayaa maanta racfaan ka qaatay xukunkii 11-ka sano ahaa oo ay ku xukuntay maxkamada Kristiansand. Maxkamada ayaa 11-jirkan ku xukuntay in marka uu dhameysto xukunkiisa, mar kale dib u qiimeyn lagu sameyn doono inuu mujtamaca khatar ku yahay iyo inkale.

Xukunka lagu xukumay 16-jirkan ayaa ah kii ugu adkaa ee abid lagu xukumo qof da´ahaan ka yar 18-sano.

Qareenka difaaciyay ayaa sheegay in xukunka ah in 16-jirkan mar kale dib loo qiimeyn doono inuu khatar ku yahay mujtamaca, uu yahay mid qaldan, sidaas darteed uu racfaan ka qaatay go´aanka maxkamada darajada koowaad ee degmada Kristiansand.

16-jirkan ayaa isku dar ayaa Yacquub iyo Tone ku dhuftay ku dhawaad 60 mindiyood. Waxaana la ogaaday inuu mudo qorsheynayay dilka Yacquub oo aqoon ay ka dhaxeysay.

Xigasho/kilde: VG.NO

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments