8 siyaabood oo aad uga faa´iideysan karto fasaxa xagaaga(sommerka).

0
123
Maqaal: Deeqo Cabdulqadir Xirsi

Waxaa lagu jiraa xiligii fasaxa oo dhamaan iskuulada, qeybo badan oo kamid xafiisyada dowlada iyo goobaha shaqada ay xiranyihiin ama maalmaha qaarkood ay fasax yihiin.

Xiliga fasaxa waxey dadka intooda badan aadaan dalxiis ay ku tagaan wadamo fog fog ama wadamada dariska la ah Norway. Dadka qaarkood, gaar ahaan dhalinyarada waxey xiliyada fasaxa kaga faa´iideystaan shaqo sommerjobb ah. Laakiin sababtu waxey rabto ha ahaatee, waxaa xaqiiqo ah in dadka soomaaliyeed intooda badan aysan aheyn mid kamid ah labadaas qeybtoodna midkoodna.

Hadaba waxaan halkan kusoo gudbineynaa sideed talo oo wanaagsan si aad uga faaideyso xiligaaga fasaxa.

  1. Dalxiis/ fasax aad: Marka aad maqasho ereyga dalxiis, haku fikirin inay tahay safar loo aado wadan kaa fog ama kaa dheer. Waxaa dalxiis kuu noqon kara adiga oo ka taga magaalada aad joogto oo maalmo soo joogo magaalo kale oo isla wadanka ah, balse aadan horey u tagin. Inta lagu gudo jiro fasaxa iskuulada, waa muhiim inaad soo hawo badalato oo aad degto meel ka baxsan deegaanka aad caadi ahaan u degentahay, si aad usoo hesho energi cusub.  Hadii aad tahay waalid dhaley caruur dhigato iskuulo, waa muhiim arintan, sababta ah waxaa marka lagu soo noqdo iskuulada caruurta la weydiinayaa waxa ay qabteen ama meesha ay aadeen fasaxii xagaaga.

  2. Qaraabo salaan: Isku dey hadii aad awoodo inaad ka tagto deegaanka aad ku nooshahay, si aad u hesho isbadel dhinaca maskaxda ah. U safar qaraabadada, asxaabtada aadan mudo arkin.

3. Isticmaal maalmahaaga fasaxa si wanaagsan: sku dey inaad nasato,isdejiso, si adoo nasan aad ugu noqoto shaqadada ama goobta waxbarashada. Ogsoonow inuu fasax kan xigaa ay muddo badan ka harsan yahiin.

4. Qaado ugu yaraan laba toddobaad oo iska xiga oo fasax ah si aad u dareento isbadel fiican.

5. Qorshe wanaagsan u samayso maalmahaada fasaxa, samee wax cusub oo ku siinayo isbadel dhica maskaxda ah. Tusaale ahaa, Sports, dabaal, cunto wanaagsan, la qaato waqti fiican familkaaga, caruurtada, inta badan maalinkiina naso. Sidoo kalane Ka farxi caruurtaadaada.

6. Ha isku mashquulin mobilkaaga, Internetka iyo sosial mediaha, waayo uma fiicna maskaxda. Waxayna sababi karaan daal farabadan oo aad dareento. Xusuusnow in fasax fiican aad hesho laga helo energi badan, oo kuu saamaxaayo inaad mudo badan aad shaqayso.

7. Isku dey inaad ka faaiidaysato waqti firaaqada ah ee aad heshay. qabso hawlahii aad waqti u wayday. Sidoo kale degsho qorshaha xili sanaadeedka soo socdo. tusaale ahaan hadii aad qorshaynaysay inaad waxbarato, shaqaysato, imtixaano dib u qaadato IWM.

8. Hadii aad ardey tahay oo aad sommerjobb shaqaynaysay. ha isku badanin shaqada, uga yaraan kala soo har maalmo aad nasato inta aan la furin waxbarashada.

W.Q: Deeqo Cabdulqaadir Xirsi.


Hadii aad rabto inaad bulshada soomaaliyeed ka wadaagto khibradaada, aqoontooda, taladaada ama hamigaaga, waxaad qoraalkaada noogu soo aadin kartaa: NorSomNews@gmail.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments