Yuusuf Garaad oo Norway socdaal ku imaan doono

0
143

Sida ay NorSom News kasoo xiganeyso ilo ka agdhow xafiiska reysulwasaaraha Soomaaliya, waxaa isbuuca soo socdo magaalada Oslo socdaal ku imaan doono wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar iyo wafdi uu hogaaminayo.

Yuusuf Garaad ayaa ka qeybgali doono shir ay soo qaban-qaabisay madasha Oslo Forum, kaas oo looga hadli doono arimo ay kamid yihiin amaanka dowladaha caalamka.

Reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa lagu waday inuu kasoo qeybgalo kulanka madasha Oslo Forum, laakiin waxaa la sheegay in kulankaas uu uga baaqday sababo shaqo owgood.

Yuusuf Garaad ayaa la kulmi doono wasiirka arimaha dibada dalkan Norway, Børge Brende.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments