Yuusuf Garaad iyo Brende oo isniinta Oslo ku shiri doono.

0
131

Sida ku xusan war saxaafadeed qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Norway, wasiirka arimaha dibada dalkan Norway, Børge Brende ayaa maalinta isniinta ah ee bari la kulmi doono wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Brende la yeelan doono wasiiro arimaha dibada wadamo dhowr ah, kuwaas oo kasoo qeybgalay shirka madasha Oslo Forum oo isbuucan ka furmi doono duleedka magaalada Oslo.

Shirka Madasha Oslo Forum:

Oslo Forum Konferansen ayaa ah shir sanadle ah oo ay qabato madasha Oslo Forum, waxaana sanad walba si wadajir ah u abaabula wasaarada arimaha dibada Norway iyo hey´ada Henry Dunant Centre for Humanitarian Dialogue oo Switzerland laga leeyahay.

Mowduuca shirka sanadkan lagu falanqeyn doono ayaa ah, Peacemaking in a New Era of Geopolitics. Soomaaliya ayaa sanadkan mar kale kamid ah wadamada sida gaarka ah  xaaladooda looga hadli doono shirkan, waxaana Soomaaliya soo weheliyo Koonfurta Suudaan, Siiriya, Liibiya, Filibiin, Neygeeriya, Ukrain iyo Columbiya.

Wasiirka arimaha dibada Iiran(Javad Zarif) iyo Wasiirkii hore ee arimaha dibada Mareykanka Xiligii Obama(John Kerry) ayaa kamid ah dadka Yuusuf Garaad iyo Børge Brende sanadkan shirka ku wehelin doono.

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments