Yuusuf Garaad iyo Brende maka wada hadleen heshiis dib celin?

0
199

Wasiirka arrimaha dibada iyo xiriirka caalamiga ah ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa isbuucii lasoo dhaafay booqasho rasmi ah ku joogay dalkan Norway. Isaga oo kulan la qaatay wasiirka arimaha dibada dalkan Norway, Børge Brende.

Ilaa hada ma cada qodobada ay wasiiradu kaga wada hadleen kulankaas, iyo waxa ay isla meel dhigeen. Balse wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa kulankii uu la lahaa jaaliyada Norway, si kooban u sheegay waxa ay uga wada hadleen kulankaas, isaga oo kusoo koobay iskaashiga iyo xiriirka labada wadan.

[adsenseyu2]

Wargeyska VG oo xiriir la sameeyay wasaarada arima dibada dalkan Norway, ayaa maanta qoray in qodobada kulankaas looga wada hadlay aysan kujirin arinta ku saabsan heshiiska dib u celinta ah oo ay Norway rabto inay Soomaaliya la gasho. Bale ay ka wada hadleen iskaashiga labada wadan iyo dhibaatooyinka guud ee geeska Afrika.

VG : Garaad har vært i Norge siden mandag da han møtte utenriksminister Børge Brende. De diskuterte samarbeid mellom Norge og Somalia, og de store utfordringene i Øst-Afrika. De langvarige forhandlingene for å få på plass en returavtale til det krigsherjede landet var ikke et tema under møtet, sier UD til VG.

Yuusuf Garaad ayaa dhanka kale soomaalida Norway si cad ugu sheegay in dowlada Soomaaliya, aysan wax ka qabin karin xaalada soomaalida ku dhaqan dalkan Norway, balse ay tahay inay ayagu isku tashadaan oo midoobaan. Si ay xaqooda wada jir ugu dhacsadaan, iyaga oo adeegsanayo shuruucda iyo qaanuunka u yaal Norway ama Yurub guud ahaan.

Hadalka Garaad ayaa loo fasirin karaa siyaabo badan, iyada oo dadkii kulankaas joogay ay ku kala aragti duwanayaan ujeedka hadalka wasiir Garaad.

Xigasho/kilde: VG

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments