fredag, mars 29, 2024

Xisbiga FRP oo raba in Norway ay guud ahaanba joojiso qaabilada magangalyo doonka

Xisbiga FRP oo kamid ah xisbiyada ku bahoobay dowlada wadaaga ah ee dalkan Norway, ayaa ku dhawaaqay inuu gebi ahaanba raba in la joojiyo dadka magangalyo doonka ah ee Norway iska soo dhiibiyo, iyaga oo taas badalkeeda soo jeediyay in xeryo qoxooti laga furo dhowr wadan oo dibada ah. Qofkii magangelyo ka raba Norwayna uu xeryahaas qoxooti tagi karo, si uu halkaas magangalyo uga soo dalbado.

FRP ayaa sidoo kale soo jeediyay in mudada uu qofku ku codsan karo passportka dhalashada Norway laga dhigo 10 sano, halka ay hada ka tahay 7 sano.

«Waxaan damacsanahay  isbadal muhiim ah, tusaale Qofkii magangelyo-doone ah ee codsanaya passport-ka ama dhalashada Norway waa inuu dalka ku noolaado muddo 10-sano halka haatan laga rabo 7-sano.» ayey tiri Siv Jensen Wasiirka maaliyadda Norway ahna madaxa Xisbiga FRP. 

Siv Jensen ayaa sheegtay in xisbigeeda uu rabo in isbadalo waaweyn oo adag lagu sameeyo siyaasada soo galootiga, isla markaana ay Norway qaado talaabooyin cusub oo lagu adkeynayo xeerarka magangalyo doonka.

Siv ayaa dhanka kale  hoosta ka xariiqday in Xisbiga FRP uu  rabo in si joogto ah l kontaroolo dhamaan xuduudaha dalka Norway, isla markaana aysan magangalyo doonku si sahlan Norway kusoo galin. Waxay dhanka kale xoojisay in muhiimad weyn ay leedahay in la hubeeyo Booliska Norway si ay u kordhiyaan awooddooda dhinaca sugidda ammaanka Norway.  Qorsheyaalkaas ayay SIV sheegtay in xisbigeedu uu hiigan doono  muddo xileedka soo socda ee Doorashada Baarlamanka Norway kadib.

[adsenseyu2]

Khudbaddaan ay jeedisay Wasiirka maaliyadda Norway, ahna Hogaamiyaha xisbiga FRP Siv Jensen ayaa saameynteeda leh iyadoo ay kusoo aaday xilli ay loollaan adag ugu jiraan xisbiyada ka dhisan Norway inay kusoo baxaan doorashada baarlamanka ee la filayo in la qabto bisha September 2017-ka, waxaana si weyn looga dareemayaa magaalada Oslo Ololaha siyaasadeed ee xisbiyada ugu jiraan doorashada, inkastoo xisbi kasta uu ballanqaad si iskiis ah ugu sameynayo dadweynaha si uu uga helo codkooda.

Xisbiga FRP oo ah xisbi aan wax daryeel ah u heynin qaxootiga ku nool Norway ayaa halgan ugu jira inuu mar kale kusoo baxo Baarlamanka si uu kuraas badan ugu yeesho kadibna uu talada wadanka wax ugu yeesho iyadoo taasna ay nasiib darro u arkaan qaxooti farabadan oo ku nool dalkan kuwaasoo ay saameeyeen go`aanno ay xisbigaasi horay usoo saareen.

W.Q:Maxamed Cabdulqaadir Dahir(MCD), NRK-Journalist.

Xigasho/kilde: NRK, Aftenposten

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x