Xeer ilaaliyaha: 10 sano halagu xukumo 16-kii ka danbeeyay dilka Yacquub iyo Tone

0
89

Waxaa maalintii sadexaad magaalada Kristiansand ka socoto dhageysiga maxkamada 16-jirkii ka danbeeyay dilka Yacquub Abdullahi Hassan iyo Tone Ilebekk. Dhageysiga dacwada maxkamada ayaa maanta mareyso xeel gabo-gabo ah, iyada dacwad oogayaasha iyo qareenada difaacaya 16-jirkan norwiijiga ah ay soo gudbiyeen cadeymaha dacwadooda.

Xeer ilaaliyaha dacwada kusoo oogay eedeysanaha, ayaa xeerbeegtida maxkamada ka codsaday in 10 sano lagu xukumo wiilkan 16-sano jirka norwiijiga ah ee qirtay dilka Yacquub Abdullahi iyo Tone Ilebekk. Arintaas ayaa dhalisay caro, iyada oo qoysaska Yacquub iyo Tone ay isaga baxeen hoolka maxkamada, kadib markii uu xeer ilaaliyhu soo gudbiyay codsigaas 10-sano ah.

[adsenseyu2]

Qaraabada labada dhibane ee uu dilay gacan ku dhiiglaha ayaa muujiyay in ciqaabta 10-ka sano ah ay tahay mid yar, isla markaana waxey muujiyen inay rabaan in ciqaabta loo adkeeyo, sida uu sheegay qareenka mid kamid ah labada qoys ee dhibanayaasha.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inuu dareensanyahay in kiiskan uu yahay mid adag, isla markaan xambaarsan dareemo aad u adag, balse wuxuu raaciyay inay muhiim tahay in sharciga la raaco.

Wuxuuna sheegay in hadii eedeysanuhu uu da´ahaan ka weynaan lahaa 18-sano, ay ciqaabtiisu noqon laheyd 21 sano. Maadaama uu ka yaryahay, waxaa wuxuu mudan yahy in 12-sano lagu, laakiin waxaa laga dhimay 2 sano, maadaama uu danbiga qirtay.

Xigasho/kilde: NRK, NRK

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments