Xeer cusub: 9000 ayaad magacaaga ugu qoraan kartaa taarikada baabuurka

0
152
Wasiirka gaadiidka Norway oo soo bandhigayo xeerkan cusub ee qofka u sahlaya inuu magaciisa ku qorto taarikada baabuurka

Dhamaadkii isbuuc hore, waxaa soo baxay xeer cusub oo baabuurleyda u sahli karo inay magacooda ku qortaa taarikada baabuurka.

Xeerkan ayaa dhigayo in qof walbe uu dalban karo in taarikada baabuurkiisa uu ka dhigto magac ama qoraal uu isagu dooran karo oo ugu badnaan ka kooban 7 xaraf. Halkii ay markii hore ka ahaan jirtay numbaro iyo labo xaraf oo kali ah. Laakiin waa inaad bixisaa lacag dhan 9000 NOK(tobankii sanaba mar), si aad u hesho magacaas ama qoraalkaas aad rabtid inaad ku qorato taarikada baabuurkaada.

Tusaale ahaan waxaad taarikada baabuurkaada ku qoran kartaa Hooyo, Soomaaliya, Xaliimo ama Faarah.

Si aan lagaaga hormarin magaca aad rabto, waa inaad dalbataa xili hore. Hadii dhowr qof ay isku magac ama qoraal dalbadaan, waxaa xaq u yeelanayo qofka ugu hor dalbado.

Xigasho/kilde TV2,  Vegvesen.no. 

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments