Deg-deg: Wiil soomaali ah oo si qasab ah looga tarxiilay Norway

0
152

Maalintii shaley aheyd, waxaa Airportka Oslo si qasab ah looga musaafuriyay wiil dhalinyaro soomaali ah oo kunoolaa kaam xero qoxooti ah oo kuyaalo woqooyiga Norway.

Wiilkan ayaa saaka laga dajiyay garoonka Aden Cade ee magaalada Muqdisho, sida ay noo xaqiijiyeen eheladiisa oo kunool Norway. Wiilkan soomaaliga ah ayaa xiriir NorSom News lasoo sameeyay intii uu ku xirnaa xerada tarxiilka ee Trandum, oo ah xero kutaal duleedka Oslo, isla markaana lagu xareeyo dadka Norway laga musaafurinayo.

Sida ay noo xaqiijiyeen qoyska wiilkan, waxay boolisku kusoo garaaceen, kana kaxeysteen qolka uu ka degnaa kaamka xerada qoxootiga. Wuxuuna mudo 24 saac ah ku sugnaa xerada Trandum, kahor inta aan si qasab ah loo saarin diyaarad u socotay Soomaaliya.

[adsenseyu2]

Waxaan isku deynay inaan la sameyno xiriir dhanka khadka telefoonka ah, laakiin nooma aysan suurtogalin, sababo xaga amniga shaqsiyeed ah owgeed. Waxaana ku rajo-weynahay inaan dhawaan wareysi la yeelano wiilkaas soomaaliga ah ee Norway laga tarxiilay maalintii shaley aheyd, hadana ku sugan magaalada Muqdisho.

Ma ahan qofkii ugu horeeyay ee soomaali ah ee isbuucyadii ugu danbeeyay  lagu xareeyo xerada Trandum. Sidoo kale waxaan xiriir la sameynay wiil dhalinyaro soomaali ah oo isna dhowr isbuuc kahor lagu xareeyay Trandum, si Norway looga tarxiilo, laakiin ay suurtogal noqon weyday, sababo la xiriira caafimaadkiisa ah dartood. Waxaan barito soo galin doonaa wareysi aan la yeelanay wiilkaas soomaaliga ah oo kunool woqooyiga Norway.

Waxaa muuqato in Norway ay dib u bilowday tarxiilkii qarsoodiga ahaa ee soomaalida diidmada ka heshay sharciga magangalyada, waxeyna arintan kusoo aadameysaa xili isbuuc kahor ay Norway booqasho ku imaadeen wafdi ka socdo laanta socdaalka iyo jinsidaha dowlada Soomaaliya, kuwaas oo kulamo la qaatay laanta socdaalka Norway ee UDI-da.

Wixii warar dheeri ah kusoo kordha dhacdooyinkan, dib ayaan kasoo galin doonaa.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments