Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay dab ka kacay dabaq 27 biyaano ah magaalada London iyo soomaali ku hanti beeshay

0
140

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay dab saaka aroortii hore ka kacay guri 27 biyaano ah oo kuyaal magaalada London. Gurigaas ayaa waxaa kunoolaa dad tiro ahaan gaaraya 1000 qof oo ay kamid yihiin soomaali iyo ajaaniib kale.

Gurigan ayaa ilaa hada holcaya, iyada oo dab damiska magaalada London iyo booliskuba ay dadaal ugu jiraan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen daminta dabkaas. Ilaa hada waxaa guriga gudahiisa laga maqlayaa qeylada dad codsanayo in la badbaadiyo oo guriga gudahiisa ku xaniban, waxaana muuqata in tirada dhimashada iyo dhaawacuba ay intaas kasii badan karaan.

Dhamaan tv-yada iyo warbaahinta kale ee U.K ayaa saaka si live(toos) ah usoo tabinayo dabka ka socdo gurigaas. Muuqaalada gurigaas laga soo tabinayo ama sawirada laga soo qaaday ayaa ah kuwa argagax leh, iyada oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen inay indhahooda ku arkeen dad iska soo tuurayo dabaqa 27-aad ee guriga.

Booliska ayaa baro-kiciyay dadka kunool guryaha dariska ah gurigaas uu dabku ka socdo, iyada oo laga cabsi qabo in dabkaas uu sii fido, hadii lagu guuleysan waayo in la damiyo.

Xigasho/kilde: VG

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments