UDI: Dib u qiimeynta sharciyada qoxootiga iyo dhalashada ayaan kala hadalnay wafdiga Soomaaliya ka socday

0
130
Foto: Radio-Muqdisho Maxamed Aaden Jimcaale "Koofi" iyo Frode Fong.
Foto: Radio-Muqdisho
Maxamed Aaden Jimcaale «Koofi» iyo Frode Fong.

Sida aan soo qornay isbuuc kahor, waxaa bilowgii isbuucii hore wadankan Norway, booqasho ku yimid wafdi ka socday laanta socdaalka ee dowlada Soomaaliya, wafdigaas oo uu hogaaminayay madaxa laanta socdaalka iyo jinsidaha, Maxamed Aaden Jimcaale Koofi.

Socdaalka wafdigaas wuxuu markii hore ahaa mid aan la shaacin, isla markaana aan rasmi aheyn, balse markii ay warbaahintu soo bandhigtay socdaalkooda, ayey Radiomuqdisho uga warameen ujeedada safarkooda Norway. Iyaga oo sheegay iney Norway u imaadeen arimo la xiriira xoojinta xiriirka laamaha socdaalka Norway iyo Soomaaliya, aqoonsiga passportka soomaaliga ah iyo waliba tababaro ay wafdigaas qaar kamid ah Oslo ku qaadanayeen.(halkan ka akhri warbixintaas)

Waxaan isku daynay inaan xiriir la sameyno wafdigaas intii ay Norway joogeen, balse nooma aysan suurtogalin, iyaga oo noo sheegay inaysan diyaar u aheyn wareysi kale, maadaama ay u waremeen SNTV.

UDI-da oo NorSom News warbixin ka siisay kulankaas:

NorSom News ayaa dhanka kale xiriir la sameysay laanta socdaalka dalkan Norway ee UDI-da, waxaana weydiinay waxa uu ku saabsanaa safarka wafdiga laanta socdaalka Soomaaliya, gaar ahaan kulamadii dhexmaray wafdigaas iyo UDI-da.

Knut Holm oo ah isuwadaha UDI-da u qaabilsan arimaha dib u celinta, ayaa NorSom News u sheegay in UD-du ay sanado badan la shaqeyneysay heyáda laanta socdaalka Dowlada Soomaaliya. Booqashadu wafdigaasna ay qeyb ka aheyd wada-shaqeyntooda. Isaga oo raaciyay in kulamadii ay wada qaateen ay isku weydaarsadeen khibradooda, iyaga oo isla meer dhigay arimaha(meelaha) ay kasii wada shaqeyn karaan. Sidoo kale wuxuu sheegay iney isku afgarteen in UDI-du ay tabar siiso shaqaalaha laanta socdaalka dowlada Soomaaliya(1-jawaabta Holm oo af-norwiiji ah, hoos ka fiiri). 

[adsenseyu2]

NorSom News ayaa UDI-da weydiisay in waxyaabihii ay ka wadahadleen ay kujirtay arimaha dib u celinta dadka soomaaliyeed ee diidmada ka heysto codsiyada magangalyada ama dadka ay UDI-du sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada.

Holm ayaa sheegay in wafdiga Soomaaliya ay u sharaxeen ka shaqeyntooda kiisaska la xiriira dib ugala noqoshada sharciyada magangalyada iyo waliba kuwa dhalashada ee statsborgerskap-ka. Wuxuuna raaciyay inay dhawaan soo saari doonaan macluumaad arintaas ku saabsan, isla markaana ay ku turjumi doonaan Af-Soomaali. Isaga oo sidoo kalena sheegay in xiliga xagaaga(sommerka) kadib, ay kulan isugu yeeri doonaan soomaalida(2-jawaabta Holm oo af-norwiiji ah, hoos ka fiiri). 

Knut holm ayaa sidoo kale NorSom News u sheegay inay wafdiga soomaaliya uga warbixiyeen barnaamij ay UDI-du u diyaariyay soomaalida rabta inay wadankoodii dib ugu noqdaan. Kaas oo ah midka qofka lagu saacidayo inuu wadankiisi hooyo uu dib ugu noqdo, uuna ku heli doono dhaqaale, isla markaana lagu siinayo taageero iyo tabar ku saabsan sameysashada ganacsi cusub. Holm ayaa raaciyay in barnaamijkaas lagu daray waqti dheeri ah, wuxuuna socon doonaa ilaa Juni sanadka 2018. (3-jawaabta Holm oo af-norwiiji, hoos ka akhri.  

UDI-da ayaa sidoo kale sheegtay in agaasimaha UDI-da uusan kulanka kala qeybgalin wafdiga Soomaaliya, balse ay meesha isku arkeen markii ay kulamadaas soo dhamaaddeen, sawirana ay halkaas ku wada galeen.

Lama garan doono saameynta uu socdaalka wafdigaas ku yeelan doono kiisaska UDI-du ay gacanta ku heyso ee la xiriira arimaha dib u celinta, kala noqoshada sharciyada magangalyada, degenaanshaha iyo waliba kuwa dhalashada ee statsborskap.

Waxaa xusid mudan in maalintii daraad aheyd wiil soomaali ah si qasab ah looga tarxiilay dalkan Norway, lagan dajiyay garoonka Aden Cade ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wiil kale oo soomaali ah ayaa isbuucyo kahor lagu xareeyay xerada qoxootiga laga tarxiilo ee Trandum, laakiin wey suurtogali weyday in la celiyo sababo la xiriira caafimaadkiisa.


  1. «UDI har samarbeidet med somaliske immigrasjonsmyndigheter i flere år. Delegasjonsbesøket var et ledd i dette samarbeidet. Under møtet utvekslet vi erfaringer og identifiserte områder hvor vi kan styrke samarbeidet. Vi ble enige om at UDI skal bidra med opplæring av ansatte i somaliske immigrasjonsmyndigheter.

2) Vi redegjorde også for vår saksbehandling når det gjelder opphør av beskyttelsesbehov og for tilbakekall av oppholdstillatelser og statsborgerskap. Vi vil oppdatere vår informasjon om disse sakene og oversette den til somalisk. Dette håper vi å få gjort snart. Etter sommeren vil vi innkalle til brukermøte med somaliere i Norge 

2) Videre informerte vi om UDIs assisterte returprogram for somaliere som ønsker å returnere til hjemlandet. Dette programmet, som både gir kontantstøtte og som tilbyr støtte til opplæring og næringsutvikling, er forlenget til juni 2018.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments