Trump oo muujiyay inuu sabab u ahaa khilaafka Qatar iyo dowladaha Carab

0
207

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa muujiyay inuu lug weyn ku lahaa khilaafka dowlada Qatar iyo wadamada khaliifka ee sabaay in Qatar ay xiriirka u gooyaan shan dowladood oo carab ah.

Trump ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray hadal uu ku muujinayo in booqashadiisii dalka Sucuudiga ay sabab u aheyd xiriirka xumaaday ee dowladaha khaliifka iyo Qatar. Wuxuuna muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay in durba ay bilaabatay miro dhalka iyo guusha booqashadaas uu Sucuudiga ku tagay.

D.T ayaa dhanka kale weerarka afka ah ku qaaday Qatar, isaga oo ku eedeeyay inay jiraan waxyaabo badan oo muujinayo in Qatar ay taageero u fidiso kooxaha xagjirka ah.

Hadalka Trump iyo qirashadiisa inuu wax ka maleegay xiisada khaliijka ayaa waxaa dhaleeceyn usoo jeediyay khubarada ku xeel-dheer saadaasha siyaasada xiriirka arimaha dibada Mareykanka. Waxeyna sheegeen inay taas si dadban u muujineyso in Mareykanku uu markale gacan ka geysanayo xiisad ka abuuranta bariga dhexe.

[adsenseyu2]

Wadanka Mareykanka ayaa saldhiga milatari ee ugu weyn ku leh wadanka Qatar, saldhigaas oo xarun u ah 11.000 oo ciidamado Mareykanka ah. Lama garan doono sida ay qirashada Trump saameyn ugu yeelan doonto xiisada wadamada khaliijka iyo Qatar, iyo waliba saldhiga uu Mareykanka ku leeyahay dalka Qatar.

Waxaa socdo dadaal ay madax badan oo caalamka ah, ay ugu jiraan isu soo dhaweynta madaxda dalalka khaliijka. Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa la sheegay inuu dadaalka ugu weyn ku bixinayo sidii loo dajin lahaa xiisad ka aloosan bariga dhexe.

Xigasho/kilde: NRK

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments