Tirada dadka soo galootiga ah ee taageera xisbiga xagjirka ah Sweden oo kor u kacday

0
148

Tirokoob la sameeyay ayaa mar kale lagu soo bandhigay in xisbiga xagjirka ah ee dalka Sweden, SD uu kujiro kaalinta sadexaad ee xisbiyada ugu shacbiyada badan dalkaas. SD oo sanado kahor heli jiray wax yar 3% ayaa maanta heysto taageerada 15% dadweynaha reer Sweden, sida lagu sheegay warbixintan cusub.

Isla warbixintan ayaa lagu ogaaday inay wax badan kor u kacday tirada dadka soo galootiga ah ee taageersan xisbigaas. 10.3% dadka taageera xisbigaas, waxaa la sheegay inay yihiin haween soo galooti ah.

SD ayaa sanado kooban ku hantay quluubta dadweynaha reer Sweden oo haatan u eg kuwa ay kasoo dhamaaneyso niyad-samadii ay u hayeen dadka soo galootiga cusub ah. Balse waxaa iyadna xiisaheeda leh in dad soo galooti ah ay taageero sidaas u weyn u fidiyaan xisbi si adag oo gabasho laheyn uga soo horjeedo soo galootiga.  

Xigasho/kilde: Radiosverige. 

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments