Sweden: Nin soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa kooxda Daacish, dhalinyaradana uu tashkiilin jiray

0
138

Wargeyska Aftenbladet iyo wargeyskada kale ee dalka Sweden ayaa wax ka qoray nin soomaali 32 sano jir ah, kaas oo lagu eedeeyay inuu xiriir dhow la lahaa kooxda Daacish. Ninkan oo ka shaqeeyo xarun ay ku noolyihiin qoxootiga dalkaas ku cusub, ayaa sidoo kale la sheegay inuu dhaqaale u uruurin jiray kooxdaas Daacish, isaga oo sidoo kalena ku shaqeeyo turjumaan ahaan.

Sida ay qorayaan warbaahinta dalkaas, ninkan ayaa xubin firfircoon ka ahaa kooxo taageero kooxda Daacish, kuwaas baraha bulshada ku faafiya dacaayada kooxda Daacish, si ay taageero uga helaan dhalinyarada.

Ninkan ayaa gabi ahaanba iska fogeeyay waxyaabaha lagu soo eedeeyay ee ku aadan taageerada ururka Daacish, isaga oo sheegay in arintaas aysan waxbo ka jirin.

Xigasho/kilde: Aftenbladet.se

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments