Sweden: Nin soomaali ah oo lagu dhaawacay magaalada Göteborg

0
136

Shaley fiidkii, waxaa magaalada Göteborg ee dalka Sweden lagu dhaawacay, nin da´diisu lagu sheegay sodomeeyo sano(30), kaas oo la xabado looga dhuftay qaarka sare ee xabadka.

Baabuurta booliska iyo waliba diyaaradaha Helikobtarada ayaa shalay ilaa xalay fiidkii danbe lagu arkayay goobta uu falkaas ka dhacay, iyada oo boolisku ay baadigoob ugu jireen ragii falkaas geystay. Goobjooge ka agdhawaa goobta uu falkaas ka dhacay, ayaa warbaahinta u sheegay in boolisku ay qori nooca darandooriga u dhaca ah, ay ka heleen agagaarka goobta uu falkaas ka dhacay.

Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen dad soomaaliyeed oo degan xaafada uu falkaas ka dhacay, ninka la dhaawacay ayaa ah nin soomaali ah. Iyada oo boolisku ay ilaa hada soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan magaca iyo jinsiyada qofkaas uu dhaawacu soo gaaray.

Wixii kusoo kordha arintaas dib ayaan kasoo galin doonaa.

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments