SSB: Soomaalidu waa dadka ugu badan ee qoxooti ahaan Norway kusoo galay

0
195

Warbixin iyo tirokoob cusub oo ay soo saartay wakaalada xog uruurinta iyo tirokoobyada ee SSB, ayaa lagu sheegay in Norway ay ku dhaqanyihiin dad tiro ahaan gaaraya 217.200, kuwaas oo asal ahaan qoxootinimo Norway kusoo galay. Waxayna tiradaas u dhigantaa 4% guud ahaan tirada dadweynaha reer Norway.

Soomaalida ayaa kujirto kaalinta koowaad ee dadka ugu badan ee qoxooti ahaan Norway kusoo galay, waxaana kusoo xigo Ciraaqiyiinta, halka kaalinta sadexaadna ay kujiraan Siiriyiaanka.

Waxaa Norway kunool 27.600 qof oo soomaali ah, kuwaas oo asalkoodii hore Norway qoxootinimo kusoo galay, halka Ciraaqiyiintu ay yihiin 20.800, iyada Siiriyaankuna ay gaarayaa 19.300.  Tirada siiriyaanka Norway qoxootinimada ku jooga, waxaa sanadkii lasoo dhaafay oo kali ah ku darsamay 9100 qof.

Xigasho/kilde: NTB/Adressa.no 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments