Sonna: Norway oo aqoonsatay passportka soomaaliga ah

0
167
Foto: Radio-Muqdisho Maxamed Aaden Jimcaale "Koofi" iyo Frode Fong.
Foto: Radio-Muqdisho
Maxamed Aaden Jimcaale «Koofi» iyo Frode Fong.

Sida ay qoreyso wakaalada wararka Soomaaliya ee Sonna, dowlada Norway ayaa aqoonsatay baasaboorka soomaaliga ah, gaar ahaan kan diblomaasiga. Waxaana Sonna arintaas u xaqiijiyay madaxa hey´ada socdaalka iyo jinsiyadaha, Maxamed Aadan Koofi.

Maxamed Aadan Koofi ayaa sidoo kale raaciyay in dhamaadka sanadkan, ay dowlada Norway Soomaaliya u diri doonto gudi khubaro ah, kuwaas oo soo qiimeeyo qaabka ay loo bixiyo baasaboorka soomaaliga ah.

Koofi iyo xubno kale oo ka socdo hey´ada socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya, ayaa dhowr isbuuc kahor booqasho ku yimid dalkan Norway. Waxeyna kulamo la qaateen hey´ada socdaalka iyo agaasinka soo galootiga dalkan Norway ee UDI-da.

Dhanka kale Koofi ayaa madaxda soomaalida ugu baaqay inay qaataan baasaboorka soomaaliga ah, marka u safrayaa wadamada dibada ama ay ka qeybgalayaan shirarka caalamiga ah.

Xigasho/kilde: Sonna.So

[adsenseyu2]

 

 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments