fredag, mars 29, 2024

Qoysaska Yacquub iyo Tone oo ka biyo diiday codsiga dacwad oogaha ee 10-sano ah

Dacwad oogaha dowlada ee kiiska dacwada ah kusoo oogaya eedeysanaha qirtay inuu ka danbeeyay dilkii Yacquub Abdullahi Hassan iyo Tone Ilebekk, ayaa shaley xeer ilaalinta maxkamada ka codsaday in eedeysanaha lagu xukumo 10-sano oo xarig ah. Isaga oo arintaas u daliilsaday in da´diisu ay ka yartahay 18-sano, isla markaana uu qirtay danbiga.

Qoysaska Marxuum Yacquub iyo Marxuumad Tone ayaa shaley isaga baxay hoolka maxkamada, marka uu dacwad ooguhu soo bandhigay codsigaas tobanka sano ah.Qoysaska ayaa sheegay in mudada ciqaabtu ay tahay mid aad u yar, iyaga oo dacwad oogaha ka codsaday inuu kordhiyo.

Said Aswad oo ah hooyada A.H.N Yacquub ayaa wargeyska Dagbladet u sheegtay in mudadaas ay tahay mid aad u yar. Iyada oo raacisay in qareenka dowladu uu ka tagay dhacdooyin muhiim ah. Waxeyna sheegtay in shaki uusan ku jirin in eedeysanuhu uu mudo qorsheynayay inuu dil u geytso Yacquub.

Dhanka kale qoyska Tone Ilebekk ayaa sheegay in mudadaas tobanka sano ah ay tahay mid aad yar, waxeyna sheegeen in 10 sano aysan aheyn mudo u qalanta falka dilka arxan darada ah ee uu geystay eedeysanaha.

16-jirka danbiga loo heysto ayaa isku dar Yacquub iyo Tone ku dhuftay dhaawacyo mindi ah oo gaaraya 60 jeer.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x