Qatar: dowladaha Khaliijka oo go´doon galiyay Qatar. Afar dowladood oo xiriirka u jaray

0
187

Masar, Sucuudi Caraabiya, Baxreyn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa subaxnimada maanta ee Isniinta ku dhawaaqey in ay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dalka Qatar. Dalalkaas ayaa Qatar ku eedeeyey in ay taageerto ururada argagixisada

Go´aankan ayaa kusoo beegmay xili dbooqashadii Trump ee Sucuudiga, ay dowladaha Masar, Mareykanka iyo Sucuudigu sameysteen isbaheysi ay ugu magacdareen la dagaalanka argagaxisa iyo dowladaha taageeraba.

Qatar ayaa laga saarey sidoo kale Isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen, sababta ayaa lagu sheegay in ay tahay “xoojinta ururada argagixisada” oo Qatar faraha kula jirto.

[adsenseyu2]

Dalalka afarta ah ee xiriirka u jarey Qatar ayaa sheegay in ay hawadooda ka xiranayaan dhamaan diblomaasiyiinta Qatar iyo weliba Diyaaradaha Qatar.

Shaqaalaha safaaradaha Qatar iyo Diblomaasiyiintooda ayaa loo qabtey in ay 48 saac gudahood uga baxaan dalalkaas.

Dalka Qatar ayaan weli ka hadlin warka ka soo baxay dalalka carbeed ee qaarkood ay mar ahaayeen saaxiibo aad isugu dhaw.

Qatar ayaa horey u taageeri jirtey Madaxweynihii la doortey ee xilka laga tuurey ee dalka Masar Maxamed Mursi, waxaana ay canbaareysey inqilaabkii uu Sisi xukunka ku yimid.

Sababta u weyn ee xiisaddan kicisey ayaa ah weerar dhanka Internetka ah, gaar ahaan wakaaladda wararka ee Qatar QNA ay ku qaadeen koox Hackers ah(burcad internet), kadib waxay ku faafiyeen warar been abuur ah, waxaa kamid ahaa in Qatar ka hortimaado Madaxweynaha Maraykanka, taageero siiyaan Xisbulllaah iyo Xamaas iyo ururo kale, sidoo kale saaxiib dhaw laga dhigto Iran.

Dalalka deriska la ah Qatar ayaa sidoo kale dalkooda ka mamnuucey Telefishanka al-Jazeera.

Xigasho: H.M

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments