Norway oo soo bandhigtay qaab cusub oo lagu baaro da´da dhalinyarada magangalyo doonka ah

0
103

Hey´ada socdaalka iyo agaasinka soo galootiga dalkan Norway ee UDI-da, ayaa soo bandhigtay qaab cusub oo ay ku baari doonto da´da dhalinyarada magangalyo doonka ah ee Norway iska soo dhiibta. Qaabkan cusub ayay UDI-du sheegtay in cilmi ahaanay sax uga dhowdahay qaabkii hore oo ay adeegsan jireen, waxaana Raajo(sawir) laga qaadayaa qeybaha danbe ee ilkaha qofka iyo lafaha gacmaha.

Qaabkan cusub ayaan wali aheyn mid 100% sheegi kara da´da saxda ah ee qofka, laakiin wuxuu qiyaas ahaan soo dhaweynayaa da´da qofka uu jiro, sida ay sheegeen dhakhaatiirta khibrada u leh baaritaanka da´da qofka.

UDI-da ayaa eedeyn badan mar hore kala kulantay hey´adaha caafimaadka, kuwaas oo ku eedeeyay inay horey u adeegsan jireen qaab aan lagu kalsoonaan karin cilmi ahaan, marka ay baarayaan da´da dhalinyarada magangalyo doonka ah.

Caadiyan waxaa baaritaan lagu sameeyaa da´da qofka, marka uu sheegto inuu ka yaryahay 18-sano, laakiin ay boolisku uga shakiyaan inuu ka weynyahay da´daas u sheegtay. Dhalinyarada ugu badan ee laga qaado imtixaanta baarista da´da, waa dhalinyarada kasoo jeedo Afgaanistaan.

Xigasho/kilde: VG.NO

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments