Norway oo rabta in joogto laga dhigo sadex qodob oo adkeynaya xeerarka magangalyo doonka

0
156
Foto: Youtube

Inkasta oo tirada dadka magangalyada soo weydiisanayay Norway, ay si aad ah hoos ugu dhaceen, hadana dowlada Norway ayaa wali ku adkeysaneyso in lasii wado xeerarka adkeynta sharciyada magangalyo doonka ee sida kumeel gaarka ah loo adeegsan jiray.

Shir ay golaha xukuumada Erna Solberg yeesheen shaley oo jimco aheyd, ayay kusoo bandhigeen sadex qodob oo ay dowladu rabto in joogto laga dhigo adeegsigooda, si loo adkeeyo sharciga magangalyo-doonayaasha.

Sadexdan qodob oo ay dowlada Norway soo bandhigtay ayaa kala ah:

  • In la balaariyo adeegsiga xeerka ah in magangalyo doonayaasha lagu celiyo wadamada nabad ah oo soo joogeen ama ay sharci ku lahaayeen.

  • In la balaariyo adeegsiga xeerka ah in si hab qasab ah la adeegsan karo, si magangalyo doonayaasha loogu xareeyo xerooyin.

  • Dowlada oo rabta in wasaarada dastuurku ay yeelato awood dheeri ah oo ay wareegtooyin amar ah ku siin karto hey´ada UNE, wareegtooyinkaas oo ku saabsan qaabka ay UNE u turjumeyso sharciyada ama fahamka fulinta xeerarka.

[adsenseyu2]

Sadexdan qodob ayaa kamid ahaa heshiiskii ay xisbiyada baarlamaanku wada galeen dhamaadkii sanadkii 2015, xiligaas oo ay Norway kusoo qulqulayeen kumanaan qoxooti Suuriyaan ah. Lamana garan karo waxa qasbaya in dowladu ay rabto in lasii wado joogteyntooda, maadaama aysan hada jirin xaalad kacsanaan oo tii 2015-ka lamid ah.

Wasiirka kumeel gaarka ah ee arimaha soo galootiga Per Sandberg, ayaa sheegay in kumanaan tahriibayaal ah, ay sanadkan soo gaareen xeebaha dalka Talyaaniga, qaar badan oo kamid ahna ay usoo socdaan woqooyiga yurub. Sidaas darteed ay muhiim tahay inay hada diraan fariin ku saabsan in Norway aysan ka heli doonin magangalyo fudud.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments