Masaajidka Towfiiq oo ku guuleystay dacwadii maxkamada

0
130

Masaajidka Towfiiq ayaa ku guuleystay dacwadii maxkamada waqtiga dheer socotay ee ka dhexeysay Towfiiq iyo guriga dariska la ah masaajidka. Dacwadaas ayaa salka ku heysay dhaawacyo soo gaaray guriga dariska la ah masaajidka, intii ay socotay howsha dhismihaha masaajidka Towfiiq.

Maxkamada dajarad labaad ee Oslo ayaa isbuucii hore xukuntay in Towfiiq Kultur hus aan loo qabsan karin dhaawacyadii soo gaaray guriga dariska la ah masaajidka, iyo sidoo kale in aan Towfiiq lagu laheyn qarashaadkii ku baxay dhageysiyada dacwada maxkamadaha darajad koowaad iyo tan labaad.

Sida uu NorSom News u sheegay  Eng. Maxamuud Hussein Buraale oo kamid ah gudiga Towfiiq masuulka uga ahaa dacwada maxkamada, waxaa halkaas ku xirmayo dacwadii loo heystay masaajidka, hadii qolada kale aysan racfaan u dirin maxkamada darajad sadexaad(maxkamada sare/høyetsrett).

Masaajidka Towfiiq ayaa ah xarunta ugu weyn ee kulmisa jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, waxaana xubno ka ah dad tiro ahaan  ku dhow 8000 oo qof.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments