Hooyada gabadhii shaley ku geeriyootay isbitaalka oo xabsiga la dhigay

0
156

Sida ay qorayaan warbaahinta lokalka ah ee deegaanka Namsos, waxaa xabsiga loo taxaabay hooyada dhashay gabadhii sadex sano jirka aheyd ee shaley ku geeriyootay isbitaalka ee ST. olav ee magaalada Trondheim.

Hooyadan ayey boolisku sheegeen in xabsiga lagu sii heyn doono mudo labo isbuuc ah, iyada oo raaciyay in mudadaas aan xabsiga lagu soo booqan karin, warqadna aan loo soo diri karin. Qareenka hooyadan ayaa isla maantaba racfaan ka qaatay go´aanka ay boolisku xabsiga ku dhigeen hooyadan.

Sidoo kale adeerka gabadha geeriyootay ayay boolisku xabsiga dhigeen maalintii shaley aheyd, isaga oo lagu xukumay mudo afar isbuuc oo kumeel gaar ah.  Adeerka gabadha ayay boolisku sheegeen inuu kasoo jeedo dalka Soomaaliya, wuxuuna sharci ku leeyahay dalka Talyaaniga. Halka hooyaduna ay dhalasho ahaan kasoo jeedo Ethopia, iyada oo magangalyo kumeel gaar ah ka heysato dalkan Norway.

[adsenseyu2]

Boolisku ayaa hooyada iyo adeerka gabadha shaley geeriyootay ku eedeynayo inay ka danbeeyeen dhaawacyada ay u geeriyootay, balse labadooduba waxay iska fogeeyeen dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay.  Sida uu qareenku u sheegay hooyada ayaa wareysi ay booliska siisay ku sheegtay in gabadha yar ay kasoo dhacday sariir, iyada oo mar horena kasoo dhacday meel barando (Balkong) ah.

Gabadha sadex sano jirka ah ee isbitaalka ku geeriyootay ayaa waxaa madaxa kasoo gaaray dhaawacyo cul-culus, sida ay sheegeen howl-wadeenada isbitaalka St. Olav. u hadashay

Hooyadan ay boolisku xabsiga dhigeen ayaa sidoo kale horey u heysatay sadex caruur ah, oo da´doodu ay ka hooseyso 10 sano. Boolisku ayaa sheegay in caruurtaas ay si kumeel gaar ah xanaandooda ula wareegeen barnevernka.

Xigasho/kilde: TV2., ADRESSA.NO

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments