Hadii uu Amb. Fiqi diiday, Denmark yay heshiis la gashay?

0
141

Tan iyo markiisafiirka EU-da ee dowlada Soomaaliya uu sheegay in Soomaaliya aysan wax heshiis dib u celin ah kula jirin Denmark, waxaa soo badanayo cadaadiska ay warbaahinta dalkaas saaranayaan wasiirka arimaha soo galootiga Denmark, haweeneyda lagu magacaabo Inger Støjberg.

Støjberg ayaa xili sii horeysay sheegtay inay Soomaaliya la galeen heshiis dib u celin ah, iyada oo markii danbe ay cadaatay in heshiiskaas uu ahaa mid afka ah oo ay la galeen wafdi ka socday xukuumadii hore ee Soomaaliya. Heshiiskaas oo ay Denmark sheegtay inay u cuskaneyso goáankeeda dib u qiimeynta 800-da boqol ee qof ee soomaalida ah oo dalkaas kunool.

Warbaahinta Denmark qaarkeed ayaa calaamad su´aal saarayo ka run sheegida Støjberg ay ka run sheegeyso heshiiska ay sheegtay inay kula jiraan Soomaaliya. Sida uu dhigayo xeerka qoxootiga aduunka, Denmark waxaa saaran waajib ah inay xaqiijiso amaanka qofka qoxootiga ah, hadii ay go´aansato inay ku celineyso wadankiisii.

Su´aasha isweydiinta mudan ayaa ah, hadii uu Dr Fiqi sheegay in Soomaaliya aysan wax heshiis dib u celin ah kula jirin Denmark, yey Denmark heshiiska la gashay?..Heshiiska ay sheegeen oo afka ahna, ma yahay mid gundhig looga dhigi karo go´aan siyaasadeed oo saameyn ku yeelanayo ila 800 oo qof oo dalkaas kunool?

Xigasho/kilde: Politiken.dk

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments